Jeneral Moragn oo guul darro culus ay ka raacday doorashadii Aqalka Sare

Garoowe (Caasimada Online) – Maxamad Siciid Morgan oo u tartamayey aqalka sare ee Baarlamanka Somalia ayaa lagaga adkaadey doorashada musharaxiinta oo ka dhaceysa xarunta aqalka wakiilada Puntland ee magaalada Garowe.

Codbixinta oo dhowaan soo dhamaatey ayaa Bootaan Barre Samatar waxaa uu heley 38 cod halka Gen. Morgan coddadka mudanayaasha ka heley 27 cod.

Botaan Barre Samatar ayaa horey ugu jirin siyaasada Somalia isagoo wararku sheegayaan Inuu yahay Ganacsade muddo ku noolaa wadanka dibadiisa.

morganKurisigaan oo ahaa kii ugu hadlayanta badnaa ayaa cod bixintaan waxay imaaneysa xilli General Morgan iyo xubno kale xafiiska  QM ee Somalia u diidey Iney kamid noqdaan aqalkaan.

Barlamanada maamulada Galmudug iyo Jubaland ayaa iska dhagatirey dalabka ka yimid xafiiska qaramada midoobey ee Somalia kuwasoo xildhibaano aqalka sare u doortey 2 xubnood oo xanibaad lagu soo rogey.

Doorashada Barlamanka aqalka sare oo socota ayaa la filayaa in maanta soo dhamaato iyadoo la filayo in 11 xubnood ee maamulka Puntland u matalaya aqalka sare la doorto.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com