Beesha Caalamka oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan dhismaha HirShabelle (AQRI)

Nairobi (Caasimada Online)-Qaramada Midoobay, Hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, Midowga Yurub, Ururka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden iyo Britain ayaa soo dhaweeyay sida guusha leh ee uu kusoo dhammaaday Geeddi-socodkii maamul u samaynta Hir-Shabelle ee dhawaan la sameeyay, Waxaana u hambalyeeyeen Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble iyo Madaxweyne Kuxigeen Cali Cabdullaahi Xuseen oo iyagu qaaday mas’uuliyaddaas culus.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamku waxay qireen dadaallada ay Dowladda Federaalka ah ku horumarinayso geedi-socodka maamul samaynta, waxaa kale oo ay qireen dowrka muhiimka ah ee hawl-fududaynta ah ee IGAD ka cayaartay geedi-socodkan.

Sidoo kale, Saaxiibada caalamku waxay maamulka HirShabelle ku dhiirri-geliyeen inay la hadlaan kooxihii aan ka-qaybqaadanin geedi-socodka maamul samaynta, lana xaqiijiyo ilaalinta masaalixda dhamaan beelaha deegaanka.

Tani waa in lagu xisaabtamaa marka laga Qayb-qaadanayo Geeddi-socodka Doorashada oo si loo wada dhan yahay loo helo metelaadda labada aqal.

Dib u heshiisiin laga hirgeliyo dhamaan deegaanada HirShabelle ayaa muhiim u ah marxaladda hadda lagu jiro.

Saaxiibada Caalamku, waxay ku Boorriyeen Madaxda Cusub ee Hir-Shabelle inay hadda diiradda saaraan geedi-socodka doorasho ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Maamulka cusub wuxuu haystaa fursad uu ku muujiyo hogaamin isagoo u hogaansamaya xeerarka iyo habraacyada ay isla meel dhigeen madaxda Madasha Hogaanka Qaran.

Saaxiibada caalamku waxay sidoo kale ugu baaqeen madaxda Maamulka inay xaqiijiyaan in ugu yaraan 30% kuraasta loo qoondeeyay HirShabelle ee labada aqal, Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka loo qoondeeyo oo loo daayo haweenka.

Saaxiibada caalamu waxay maamulka cusub ugu baaqeen inuu dadaal kasta ku bixiyo sidi geedi-socodka ay ugasoo bixi lahayd magacaabis mas’uuliyiin sumcad leh oo loo magacaabo xafiisyada dowladda, kuwaas oo aan wiiqi doonin sharciyadda iyo kalsooni ku qabidda Dowladda iyo Baarlamaanka cusub

Ugu dambeyn, Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating – ayaa yiri; “Beesha Caalamku Waxay diyaar u tahay inay Taageerto Maamulka Cusub oo isagu ku hawlan ajenda u samaynta muwaadiniintiisa iyo horumarinta hay’adaha dowladeed si uu wax uga qabto baahida muwaadiniintiisa.”

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com