Maxaa kala soctaa Khasaaraha ka dhashay dagaalka Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Dagaal leysu adeegsaday hubka madaafiicda, hoobiyaasha iyo kuwa fudfudud ayaa maanta ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo.

Hubka culus ee leysu adeegsanaayay ayaa waxaa barbar socday dagaal lugta ah oo labada ciidan ay wada galeen, waxaana marba marka xigtay xoogeysanaayay rasaasta iyo madaafiicda.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Puntland meel ku dhow Maxjarka Xoolaha ku rasaaseyeen gaari ciidan oo ay leedahay Galmudug.

Galmudug ayaa iyana madaafiic ku garaacday xaafado dhowr ah oo ay kamid tahay xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo oo kamid ah dhulka Puntland.

Kadib ciidamada Puntland oo ku sugan meel 3km u jirta Maxjarka ayaa ka jawaabey.

Labada dhinac ayaa waxaa guud ahaan dagaalka uga dhintay Askar ka badan 14 kuwaasi oo ku dhintay dagaalka fool-ka-foolka ah ee dhexmaray.

Dhaawacyada ka dhashay dagaalka ayaa kor u dhaafaya 19 kuwaasi oo u badan dad shacab ah oo ay haleeshay Madaafiicda ay ridayeen labada ciidan.

Labada ciidan ayaa weli is horfadhiya waxaana laga cabsi qabaa in maalinta bari ah dagaalka ay halkiisa kasii wadaan waa haddii aan lagu bixin.

Maamullada Puntland iyo Galmudug, ayaa shalay beeniyay in heshiis dagaalladaan hakad lagu gelinayo ay dhex-dhigtay Xukuumadda Ethiopia, kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia ay warkaan ku shaacisay boggeeda Internet-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Colaadda ka taagan Gaalkacyo ayaa soctay muddo ku dhaw Shan toddobaad, iyadoo Hay’adda UNHCR ay sheegtay in colaadahaas ay ku barkaceen in ka badan konton kun oo qof.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com