Faroole oo wafti u diraya Kismaayo.

Maamul goboleedka Puntland ayaa wafti heer sare ah u diri doona magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, oo xiisado siyaasadeed ay ka jiraan, xog aan helnay ayaa sidaas sheegeysa.

Warar xog ogaal ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in madaxweyne Faroole uu qaatay go’aankan, islamarkaana sababta loo dirayo waftiga ay tahay inay la socdaan howlaha maamul u sameynta gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Illaa iyo hadda lama shaacin goorta waftiga ka socda Puntland ay tagi doonaan magaalada Kismaayo, hase yeeshee waxaa lagu warramay inaysan qaadan doonin wax ka badan toddobaad.

Faroole waxa uu horey u sheegay in maamul u sameynta Kismaao ay tahay howl u taal dadka deegaanka oo Dowladda Somalia aysan wax shaqo ah ku lahayn.

Tallaabada Faroole ayaa imaneysa xilli horey kullamo qarsoodi ah ay magaalada Nairobi ugu yeesheen siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland iyo kuwa ay isku bele yihiin Axmed Madoobe, hogaamiyaha Raaskambooni, kuwaas oo ka wada hadlay arrinta Kismaayo.

Guud ahaan Puntland ayaa looga dhegtaagaya sida hadba ay mareyso dabeysha siyaasadeed ee Kismaayo maadaama dad badan oo degan Puntland ay asal ahaan ka soo jeedaan magaalada oo guryo iyo ganacsiba ku lee yihiin.