Farqiga weerarada Shabaab ee xarumaha DF iyo Hotellada – Arrin baaris u baahan

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, maleeshiyo kooxda ka tirsan ayaa gudaha u galay xarunta, halkaas oo ku dhawaad 2 saac ka dagaalameen.

Kooxdii Shabaab-ka aheyd ee weerarka soo qaaday ayaa la-laayay, kadibna meydkooda ayaa la iskugu geeyay banaanka xarunta maamulka gobolka Banaadir, halkaas oo saxaafada lagu tusay.

Xubnihii maamulka ee gudaha ku jiray iyo inta badan masuuliyiintii maamulka gobolka Banaadir ayaa laga badbaadiyay weerarka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay sheegtay in weerarkan ay ku dhinteen 5 qof, 4 kalana ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab markay weerar ku galaan hoteellada ku yaalla magaalada Muqdisho waxay ku jiraan ama haystaan saacado badan.

Labadii hoteel ee ugu dambeysay ee ay weerareen Hayat iyo Villa Rays waxay mid walba haysteen in ka badan 48 saac, laakiin marka dib ugu laabano dhowr jeer oo xarumo dowladeed ay galeen kuma daahin oo durtaba waa la-laayay.

Weerar ay kal hore ku qaadeen xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda federaalka oo ay gudaha u galeen waxaa la xasuusta in degdeg loo soo afjaray.

Shalay xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ay qaraxyo kadib gudaha u galeen ayaa sidoo kale saacado yar lagu soo afjaray.

Inkasta oo ay doodda weyn tahay galista xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ah mid aan la aqbali karin in Al-Shabaab xaruntaas ay haweysato, haddana arrin kale oo weydiin leh una baahan in la dul istaago ayaa ah sababta kooxda saacadaha badan u haysan karto hoteellada, oo ay qolal gaar ah oo si fudud looga saari karin u dagaan balse xarumaha dowladda ayna ugu nagaan karin marka ay weeraraan.

Halkan waxaa ka dhalanaya tuhun ah in Al-Shabaab hoteellada sii dajiyaan kooxda ay rabaan inay weerarka fuliso oo ay halkaas muddo kusii noolaadan si ay u bartaan.

Qof aan aqoon gudaha goobta ugama diriri karo sida Al-Shabaab uga dhex dagaalamaan hoteellada, haddii ay ciidankooda karaan inay ku nagaadan goob ay markaas ugu horeysay gudaha xarumaha dowladda ayay ku nagaan lahaayeen ayey leeyihiin khubarada amnigu.

Baaris cusub ayay arrintaan xasuusineysa dowladda federaalka, dadka hoteellada dega aad looma hubiyo marka la joogo Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Maadama lagu jiro dagaal lagu raadinayo amni iyo badbaado shacab dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida waxaa laga raba inay keento xeelad lagu ogaan karo nooca dadka degaya hoteellada iyo xogahooda, si looga badbaado dhagarta Al-Shabaab loona badbaadiyo dadka war-mooga ah ee hoteellada degan ama kuwa u cunta iyo sheeko taga.

Al-Shabaab waxay isticmaalayaan kaararkooda ugu dambeeyay, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu hore u sheegay in maadama kooxda jab weyn kasoo gaaray dagaalka ay dowladda kula jirto inay fulin doonaan qaraxyo iyo weeraro quus ah, wuxuuna shacabka weydiistay dulqaad inta laga soo afjarayo kooxda.

Shacabka magaalada Muqdisho oo ah kuwa ugu badan ee bartilmaameedka u ah kooxda Al-Shabaab waxaa la gudboon taxadar inta lagu jiro maalmaha lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya dagaalka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa guulo wax ku ool ah kasoo hoysay dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada dhowrkii billood ee lasoo dhaafay, waxaase dhinaca kale hortaalla inay si weyn ugu diyaar-garooban amniga caasimadda oo ah meesha ay Al-Shabaab marwalba rabto inay ugu aargudo xubnaha laga laayay.