Daawo: Xasan oo doonaya isbeddel lagu sameeyo dugsiyada qur’aanka ee dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn u dhaliilay in hay’addaha dowladda aysan xil gaar ah iska saarin dugsiyada Qur’aanka, si lamid ah Iskuulada iyo Jaamacadaha.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in xilligaan ay Dugsi Qur’aanka ka meeqaam sareeyaan Iskuulada iyo Jaamacadaha, taasi oo uu sheegay in ay wasaaraddaha xukuumadihii kala dambeeyay aysan ku baraarugsaneyn, islamarkaana ay hadda xooga wada saari doonaan.

“Jaamacadaha iyo Iskuulladeenu inay qurxoonadaan waa fiican tahay laakiin in Dugsi Qur’aanka uu jidka ku dhex yaallo maahan, asna waa in uu qurxoonaada oo nadiif ahaada oo uu yeesho wixii ay lahaan lahaayeen dad meel iskugu yimid.”

“Iskuul markii meel laga dhiso suuli ayaa loo sameeya oo meel biyo laga cabo ayaa loo sameeya, Dugsi Qur’aanka muxuu intaas oo kale u yaalan karin oo u muteystay meel ay kala istaagan, dayacaad sow maha ahan, meesha aan rabno in aan ka imano meeshaas waaye.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu rabo in Diinta ay xil gaar ah iska saarto dowladda, ayna masuuliyadeedu tahay inay ilaaliso oo ay ka hortagto dadka iyo kooxaha raba in ay sida gaarka ah u adeegsadaan.

“Dowladdu markay deegaan qorsheynayso ee Iskuulka u yeelayso ee wax walba u yeelayso, dugsi Qur’aanka iyo Masaajidka aysan u yeelayn. Diinta weli dadkaa iska leh maanta la joogo waa rabna berri Ilaahay hana gaarsiiyo, laakiin dowladdu diinta malahan inay lahaato oo ilaaliso waaye.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Ma ahan in wax ka badasho ee waa in ay ilaaliso oo luuq laga soo galin, dowladda masuuliyadeeda u horeysa waa taas.”

Madaxweynaha oo lahaa soo jeedinta shirweynaha Culimadda Soomaaliyeed ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu dadaal badan galinaya sidii loo dhisi lahaa Gole sare oo Islaami ah oo hormuud u yihiin Culimadda Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo