Weerar lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen Shabaab oo xubno badan lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in duqeymo cirka ah ay ciidamadu ku garaaceen saldhig xubno Shabaab ah ku dhuumanayeen, kaasi oo ku yaalla deegaanka Beer-faarax oo dhaca Waqooyi-galbeed degmada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug.

Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in duqeynta kadib uu xigay dagaal, islamarkaana khasaare xoogleh lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, loogana dilay ku dhawaad 40 dagaal-yahan.

“Ciidanka xoogga dalka ayaa weerar ku qaaday Deeganka Beer-faarax oo dhaca waqooyi galbeed Degmada Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug. Ciidanka ayaa la wareegay deegaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Deegaanka Beer-faarax ee maanta la wareegeen ciidamadu ayaa dhaca Waqooyiga degmada Xarardheere oo dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab, waxaana fariiso muhiim ah ka sameystay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmuudg, Axmed Qoor-Qoor oo haatan ku sugan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa halkaas ka wada dardar-gelinta dagaalka, ayada oo maalmihii dambe ka socdeen howl-galo is-ballaarin ah.

Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidamada dhulka ayaa sidoo kale ku sugan Xarardheere oo ah degmo muhiim ah, waxayna xooga saarayaan kasii duulaan tagida degmadaas iyo sifeynta deegaanada ay ku dhuumaleysanayaan Shabaabku.

Si kastaba, Sheegashada dowladda ayaa imaneysa maalmo uun kadib markii ay sidan oo kale sheegtay inay Al-Shabaab ka dishay 100 dagaal-yahan oo Jimcihii toddobaadkii hore weerar ku qaaday degmada Galcad.