Xiisadda Laascaanood oo si weyn usoo laba kacleysay – Maxaa dhacay maanta?

Laascaanood (Caasimada Online) – Xiisadda Laascaanood oo maalmihii dambe kasoo reysaneysay rabshadihii kal hore ka dhacay ayaa waxay markale u muuqaneysa inay si weyn usoo laba-kacleysay, kadib socdaal uu maanta magaalada ku tagay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC.

Garaad Jaamac oo kamid ah Garaadyada kasoo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland ayaa waxa si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Garaadkan ayaa waxaa magaalada ugu dambeysay sanadkii 2007-dii, xilligaasi oo gacan ku haynta Laascaanood ay la wareegtay xukuumadda Somaliland.

Waxay soo dhawayntiisu noqotay middii abid ugu ballaarneyd ee ka dhacda Laascaanood, iyada oo kumanaan shacab ah oo sita calanka Soomaaliya ay soo buux dhaafiyeen waddooyinka gudaha magaalada.

Garaad Jaamac oo khudbad ka jeediyay fagaaraha bartamaha Laascaanood ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan dhibaatooyinka ka dhacay magaalada, isaga oo sheegay in aan Laascaanood mardambe laga maamuli doonin Hargeysa.

“Soomaali kala go’aysaa ma jirto, Soomaali baanu nahay. Soomaali baanu ahaan doonnaa. Dhiiggii awoowayaasheen bilaash uma uusan daadan, wuxuu u daatay in la helo Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo mid ah. Kuwa maqan ayaan doonaynaa kuwo jooga kala goyn mayno,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay “in reer Laascaanood ay yihiin dad waligood usoo halgami jiray midnimada Soomaaliya, haddanaa ay raalli ka ahaan doonin in Soomaaliya la kala gooyo.”

Arrintan ayaa ka dhigan in Somaliland oo gacanta ku haysa maamulka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay qaadi doonto tallaabo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqa uu garaadku ka wado magaalada, sida ay qabaan dadka sida dhow ula socda arrimahaan.

Sidoo kale waxaa lasoo sheegaya in walaac horleh uu soo foodsaaray bulshada ku nool magaaladaasi oo dhawaan uun kasoo baxay rabshado dhiig ku daatay.