Kadib WEERARKII xarunta G/Banaadir oo saddex arrin oo banaanka usoo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa shalay weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyaga oo markii dambe dagaal toos ah la galay ciidamada dowladda.

Maleeshiyaadka Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay dhismaha, iyada oo weerarkaas ay ku dhinteen illaa 5 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Weerarka shalay ee xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa banaanka soo dhigay saddex arrimood oo ay tahay in dowladda federaalka si weyn ugu baraarugto, sida uu sheegay Axmed Cabdullaahi oo hore wasiir ku-xigeen uga soo noqday maamulka Galmudug.

Axmed Cabdullaahi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in aan daba-gal badan lagu sameyn marka ay wax dhacaan, taasi oo keenaysa in dhacdooyin isku nooc ah ay markasta soo noq-noqdaan.

“Waxaa isleeyahay goldalooloyin ayaa ka dhex jira hay’addaha amniga iyo dowladda oo dhan, markii wax dhacaan aan wax laga baraneyn oo aan dadaal badan xooga laga sameyn in dib u dhacaan wixii oo kale. Arrimahaan oo marwalba soo noq-noqonaya markasta waxay leeyihiin calaamad ah in la fududeydinayo oo dad dowladdii ama ciidamada kamid ah ay fududeynayaan,” ayuu yiri.

“Haddii aan damco in aan tago gobolka Banaadir oo gudaha galo wey igu adkaaneysa ID-card kasta oo sito in aan gudaha galo, tana waxa waaye intaas oo checkpoint ayey soo mareysa oo meeshii u dambeysay ayaa falka laga sameynaya in ay markaas gacmo ku jiraan ayaa muuqaneysa.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Dadkii shaqeynayay oo aan la iska jirin dhexdooda gacmo ah oo shaqeynaya inay jiraan ayaa muuqaneysa iyo in daba-gal badan uusan jirin oo marka wax dhacaan aan dadaal badan laga sameyn in markale dhacaan.”

Maleeshiyaadka Shabaabka ahaa ee weerarka ku qaaday xarunta gobolka Banaadir ayaa ahaa kuwa lugaynaya, iskuna ekaysiiyay ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab culeyska soo saartay magaalada Muqdisho, kadib dagaalka culus ee kaga socda gobollada dalka, waxaana weerarkii u dambeeyay oo toos ahaa ay ku qaaday Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada.