Sawirro: Xasan Sheekh oo tusaale u soo qaatay gefkii dowladdii Maxamed Siyaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ka furay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa dib u xusay culimadii Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Muqdisho, 23-kii Janaayo sanadkii 1975-kii.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in culumadaas ay u shahiiday in ay dadka Soomaaliyeed ka difaacaan afkaartii khaldanayd ee hanti-wadaagga iyo marin habaabinta diinta Islaamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ee maanta ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

“Waayihii ay dhaceen waxaas ee culumada la laayey dowladeena ayaa ku aragti aheyd dowladihii watay hantiwadaagga oo diinteena aan shuqul ku laheyn, culumadii diidayna waad ogeydeen oo waa la laayey,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xiligaas aysan dadka Soomaaliyeed suurta-gal u noqoneyn inay raacaan nidaamkaas, maadaama aysan wax shaqo ah isku laheyn dhaqanka Soomaalida ee ku saleysan diinta suuban ee islaamka iyo kii Midowgii Suufiyeti ee Hanti-wadaaga.

“Culumadii maalintaas la dilay waqtigooda ayaa intaas ku ekaa, laakiin kadib maxaa dhacay? Dagaalka Khawaarijta maalintii ay soo baxeen waxaa bilaabay madaxweyne Sheekh Shariif, maanta meel dhib badan ayuu soo gaaray,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey in xalka Khawaarijta daawadiisa ay hayaan culumada Soomaaliyeed, “Culumo allay diinta islaamku ma qeybsanaa, marka aqoontii diinta idinkay idinku idishehee, waxaad shirkaan uga faa’iideysataan in doodaha yaryar ee dhexdiina ah aysan caamada soo gaarin,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay xasuuqeen culimadii iyo wax-garadkii dalka, ayna hor istaageen nolasha iyo horumarka deegaannada ay xoogga ku haysteen.

“Qofkii rajo ka qaba Al-Shabaab in ay u naxariisanayaan haku tusaale qaato wadaadkii Indhoolaha ahaa ee isaga oo meel uu u baxsado la’ ay ku dileen Xarunta Gobolka Benaadir. Dagaalka Khawaarijta, muddo dheer ayuu soo socday, waxa uuna soo gaaray maanta oo dhibaatadoodu ina wada gaartay. Waxaan rabnaa in xal loo helo dabar-goynta fikirkaas, xalkiina shirkaan ayaa laga sugayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.