24.4 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

Hoobiyeyaal lagu weeraray agagaarka madaxtooyada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyo xooggan oo la rumeysan yahay inay yihiin hoobiyeyaal ayaa goordhow laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. 

Hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay xaafado ku dhow madaxtooyada qaranka, waxaana illaa hadda la xaqiijiyey inay soo dhaceen 7 hoobiye, kuwaas oo kala carar iyo argagax dhaliyey. 

Hoobiyeyaasha qaarkood ayaa ku dhacay meelo u dhow madaxtooyada qaranka, SYL iyo wasaaradda warfaafinta, waxaana la arkayey dadweyne kala cararaya iyo kuwa gabbaad raadsanaya. 

Illa aiyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay, haddiiba ay jiraan. Faah-faahin naga filo goordhow. 

- Advertisement -

Read more

Local News