MADAALE oo degdeg ugu soo laabtay Muqdisho kadib weerarkii xarunta gobolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay si degdeg ah ugu soo laabtay caasimadda dalka, isaga oo soo gaabiyay safar shaqo oo ugu maqnaa dalka Kuwait.

Guddoomiye Madaale oo markii uu soo gaaray Muqdisho la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay wixii Axadii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, isaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay.

“Sabtidii ayaa safar shaqo ah u baxay oo dalka Kuwait ayaa aaday oo maalintii Axada ayuu shirkii noo furmay, dhacdadan markaa maqalnay safarkii waa soo gaabinay si aan dhibta ula qeybsano shacabkeena iyo shaqaalihii ku waxyeeloobay, runtii dhibku aad buu u yar yahay,” ayuu yiri.

“Intii ku shahiiday halkan (xarunta gobolka) ee dhimatay Allaha unaxariisto, inta dhaawacantay Allaha bogsiiyo. Waxaa runtii aad iyo aad ugu mahad-celinayna hay’addaha amniga iyo ciidankii joogay xarunta gobolka oo ka howl-galay cadowgii isku dayay inay waxyeelayaan dadka masaakiinta ah,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa fikir qaldan, cida murtadka ah ee sheegayaan wa ayo? ma kala garanayaan waa dad dhalinyaro ah oo la maran-habaabiyay, Soomaalidu waa Muslim oo Diinta Islaamka ayey ku dhaqmaan.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhalinyarada ay Shabaab weerarada usoo diraan ay marka hore soo miir-dooriyaan “Dhalinyarada yaryarka yeysan ku dhumin nimanka danleyda ee iyagu shahaadada soo raadsan ee ciyaalka yaryarka intay kiniin soo siiyaan iraahda orda shahiida, waa nasiib darro runtii qof Muslim dhiigiisa daadintiisa laguma Janno-galo.”

Guddoomiye Madaale ayaa ugu dambeyntiina sheegay in weerarada Shabaab oo xilligaan ku jabay dagaalka uga socda gobolada aysan marnaba cabsi-galin doonin, islamarkaana ay bulshadooda u adeegi doonaan marwalba.

“Waxaa aaminsanahay in mowd-ku ina-haleelayo oo nama baqdin galinayaan Khawaarijta, laakiin waxaa kula talinaya intay goori-goor tahay ay ka towbad keenaan dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ee laynayaan, hana kamid noqdaan dadkooda.”

Axaddii ayay aheyd markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir, kuwaasi oo markii dambe dagaal toos ah la-galay ciidamada dowladda.

Maleeshiyaadka Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay dhismaha, inkasta oo saacado kadib lasoo afjaray, waxaana weerarkaas ku dhintay illaa 5 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.