Jubbaland oo howlgal ku dishay xubno Al-Shabaab ah kadibna burburisay…

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay maanta ciidamada Nabad Sugidda maamulka Jubbaland ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay agagaarka degmada Afmadow, gaar ahaan deegaanka Miido oo hoostaga degmadaas, sida ay xaqiijiyeen ilo wareeydo xilkas ah.

Saraakiisha ammaanka Jubbaland oo ka hadlay weerarka ayaa shaaca ka qaaday inay ku beegsadeen kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay khasaare ku gaarsiyeen howlgalkaas.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xaqiijiyey inay dileen ugu yaraan laba xubnood, isla-markaana ay burburiyeen maxkamad beenaad ee ay kooxda ku laheyd halkaasi.

Jubbaland ayaa sidoo kale intaasi ku dartay inay sii wadeyso dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socdo gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Tallaabada ay qaaday Jubbaland ayaa jawaab u ah weerar ay shalay Al-Shabaab ku qaadan deegaanka Singaleyr, kaas oo lagu dhaawacay taliyihii deegaankaas iyo laba askari oo kale.

Dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac ayaa kusoo aadaya, ayada oo haatan Jubbaland u diyaar garowday howlgallo lagu xoreynayo deegaanada ay maamulkaas ka joogaan Al-Shabaab.

Ujeedka ayaa ah in la qabto degmada Jilib oo ah xarunta gobolka Jubbada Dhexe, isla-markaana uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan wajaheysa kacdoon uga billowday gobollada dalka, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.