Ciidamo galay saldhig ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ay maanta howlgal culus ka sameeyeen agagaarka magaalada Gaarisa, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha u galeen saldhig qarsoodi ah oo ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Sedahgose oo hoostaga degmada Gaarisa, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo foolka fool ah islamarkaana geystay khasaare.

Qoraal ka soo baxay Booliska Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan illaa 12 xubnood oo ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa saldhigga.

Booliska ayaa sidoo kale shaaciyay in nolosha lagu soo qabtay hal xubin oo ka tirsan Al-Shabab, sidoo kalena ay ciidamadda qabsadeen walxaha qarxa, qori PKM ah iyo 1 AK47 ah.

Kenya ayaa intaasi kusii dartay inay sii wadeyso dhaq-dhaqaaqyo ay ka waddo gobolka Waqooyi Bari, si ay looga hortago weerarada Al-Shabaab ee ka dhaca gobolkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidanka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa maalmihii dambe dhaq-dhaqaaqyo ka wadday xadka ay la wadaagto Soomaaliya, ayada oo soo dhigtay boqolaal askari, si ay u adkeeyaan amniga halkaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah oo khasaare kala duwan geysta ka fulisa gobolka Waqaooyi Bari, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay aad u kordhay.

Si kastaba, Kenya ayaa qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab , waxayna ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo ka howlgallada gobollada Gedo & Jubbooyinka.