Farriinta culus ee ku hoos duugan qoraalkii Blinken oo sharaxaad laga bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Mursal Saney oo ka tirsan mas’uuliyiinta sar sare ee machadka daraasaadka Heritage ayaa ka fal-celiyey bayaankii kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ee looga hadlay doorashooyinka Soomaaliya.

Mursal ayaa shaaca ka qaaday in farriinta xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Anthony Blinken ay tahay farriin cad oo ah in la deg-deg loo qabto doorashada Somalia.

“Waxaa ka muuqda farriintan, farriin cad oo ah in doorashada Soomaaliya ee waqtigeeda lasoo dhaafay si deg-deg ah ku dhacdo,” ayuu yiri Mursal Saney.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in canaanta Mareykanka ay weji-gabax ku tahay madaxda Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inay gabeen mas’uuliyaddii loo igmaday.

Mursal ayaa sidoo kale xusay in farriinta ka timid Anthony Blinken ay tahay mid quus looga muujinayo Soomaaliya iyo hoggaankeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Maanta weji-gabax ayey nagu tahay haddii aan nahay dadka Soomaaliyeed in madaxda Soomaaliyeed hoggaankoodii illaa heerkaas quus laga taagan yahay oo farriimahaas aadka u culus loo soo diraayo, oona u muuqato farriimo canaan ah,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu xusay in farriintan ay muujineyso in Mareykanka uu dib u soo celiyey fir-fircoonidiisii siyaasadeed ee bariga Afrika, gaar ahaan ka war-qabkii gaarka aheyd.

Ugu dambeyn Mursal Saney ayaa hoosta ka xariiqay in madaxda Soomaaliyeed looga fadhiyo, kadib farriinta Mareykanka inay heshiis ka gaaraan khilaafka siyaasadeed ee haatan ka jira dalka, si deg deg loogu qabto doorashooyinka sanadkan ee 2021-ka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo canaanta Mareykanka, kadib madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu shir de-deg ah ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo dhacaya 22-ka bishan aynu ku jirno ee March.

Hoos ka dhageyso Mursal Saney