Galaangalka BEESHA CAALAMKA iyo go’aanada madaxwayne FARMAAJO

Madaxwaynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay 8 February, wuxuu dhowr jeer ku baaqay shir in ay isugu yimaadaan madaxda dowladda dhexe, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si looga tashado arrimaha doorashada dib u dhacday.

Tan iyo dhammaadkii bishii January, Madaxweyne Farmaajo ayaa 4 jeer shir ku casuumay madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, balse dhammaan shirarkaas ma qabsoomin oo way beeqdeen. Midkii shanaadna xalay ayuu madaxweynaha ku baaqay, balse lama hubo in uu qabsoomi doono.

30 bishii January, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kula kulmay wakiillada beesha caalamka.

Kulankaasi waxaa ka qeyb galay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire James Swan, wakiilka Midowga Yurub, safiirrada waddaamda Ingiriiska, Shiinaha, Qadar iyo Turkiga.

Maalinkii uu kulanka dhacay ka dib, isla habeenkii, wuxuu madaxwayne Farmaajo ku baaqay kulan ay isugu yimaadaan madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka.

Markii mudda xileedkii sharciga ahaa ee madaxwaynaha uu dhamaaday 8-dii bishii February, waxaa sii kordhay walaaca laga qabo doorashada.

9-kii bishii February, wuxuu mar kale madaxwaynaha ku baaqay in shir la isugu yimaado si loo dhameystiro heshiiyadii doorashada. Laakiin shirkaas ma qabsoomin.

22-kii February – wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda isku khilaafsan in ay ku heshiiyaan doorasho loo qabto “sida ugu dhaqsiyaha badan”.

Isla maalintaas 22-kii February, warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia, waxaa lagu sheegay in madaxwayne Farmaajo uu ku baaqayo in shir doorashada looga hadlayo la isugu yimaado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in shirkaas uu ka dhaco magaalada Garowe, waxaana ka dhashay khilaaf, mana qabsoomin oo wuu baaqday.

Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in ay ka qeybgalayaan shir ay beesha caalamka qabato kana dhaca xerada Xalane.

1-dii bishan March ayey Villa Somalia ku baaqday shir kale oo “lagu dhameystirayo heshiiskii doorashada ee la isku khilaafay”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka uu dhacayo 4-ta March, balse si la mid ah kuwii hore, ma qabsoomin kullankaas.

Sidoo kale shalay oo ay tariikhdu ku beegnayd 19-ka bisha March, waxaa war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka waxaana loogu baaqay dhinacyada Soomaaliya in ay doorasho qabtaan.

Isla xalay saqdii dhexe, waxaa xafiiska madaxwaynaha ka soo baxay war qoraal ah oo ku baaqaya in shir la isugu yimaado.

Dalalka loogu yeero saaxibada Soomaaliya ama beesha caalamka ayaa galaangal wayn ku leh siyaasadda dalka Soomalaiya.

Hadda lama hubo in baaqan cusub ee madaxweynaha uu la mid yahay kuwii hore iyo in uu noqon doono mid miro dhal ah oo heshiis looga gaaro doorasho in la qabto.

Kulamadii qabsoomay iyo natiijooyinkii kasoo baxay 

Shirkii ugu horreeyay ee arrimaha doorashada looga hadlo ayaa ahaa kii bishii July ka dhacay magaalada Dhuusamareeb kaasi oo nitiijooyiin hor dhac ah laga garay.

Bishii September 17 ayaa shir kale oo ay isugu yimaadeen madaxda fedaraalka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir waxaa lagu heshiiyay jadwalka iyo qaabkii doorashada loo qaban lahaa.

Horaantii bishii Febraayo ayaa waxaa magaalada Dhuusamareeb shir isugu yimaaday madaxwayne Farmaajo madaxda maamul goboleedyada, iyo gobolka Banaadir.

Waxaa fashil iyo natiijo la’aan ku soo dhammaaday shirkaasi 6 bishii Febraayo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

17 bishii Febraayo magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa guddiga farsamo ee ka kala socday dowlad goboleedyada, dowladda federaalka iyo gobolka Banaadir waxay sheegeen in ay xal ka gaareen arimaha la isku hayay ee doorashada Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay sheegeen in xal farsamo laga gaaray dhammaan arimihii uu khilaafkii ka taagnaa, waxayna intaa raaciyeen in qoddobadaas ay u gudbiyeen madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si ay u meelmariyaan.

ISHA: BBC SOMALI