Sawirro: DF oo Muqdisho keentay dhallinyaro laga soo qaaday Gedo + Qorshaha

Doolow (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe waxey magaalada Doolow ee gobolka Gedo kasoo daabuleen dhalinyaro, waxaana loo soo qaaday magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dhalinyaradaan oo da’ ahaan aad u yar yar ayaa la sheegay in laga soo aruuriyay deegaanada gobolka Gedo, waxeyna ku jireen xero ciidan oo ay tababar ku qaadanayeen, waxaana lagu soo qaaday diyaaradii shalay ciidamada iyo hubka geysay Gedo.

Wararka aan ka heleyno Doolow ayaa sheegaya in ciidamadaan ay ku jireen dhibow, islamarkaana loo diyaarinayay iney ka mid noqdaan ciidamada militariga Soomaaliya, loona qaado dalka Turkiga si tababar ay halkaas ugu soo qaataan, kadibna lagu celiyo Gedo.

Bilihii ugu dambeeyey ciidamada dowladda ee loo qaadayo tababarka Turkiga ayaa badankood ahaa kuwa ku beel ah madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Farmaajo.

Gobolka Gedo ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka socday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo aan horay loo arag, iyadoo dhawr jeer ay xukuumadda uu wakhtigeeda dhamaaday geystay hub iyo ciidan walaac badan laga muujiyay sababta ka dambeysa.

Sidoo kale dhalinyaradaan la keenay Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan loo fasirtay, waxeyna kusoo aadeysaa sidoo kale xilli mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamullada Federaalka ay walaac ka qabaan in Farmaajo uu ciidan u adeegsado doorashada ama uu xukunka ku qabsado.