Wasiir Dubbe oo laba qodob oo xasaasi ah la wadaagay warbaahinta (Daawo Video)

Muqdisho (Caasimada Online)- Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalda Muqdisho ayaa ka hadlay dhowr qodob oo muhiim ah kuwaas oo kala ah:-

1. Xayiraadaha, qaadashada tallaalka iyo talooyinka la xariira cudurka Coronavirus. 2. Iyo qodobka labaad oo ah kiiska dacwadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya.

Ugu horeyn wasiir Dubbe waxa uu sheegay in xariyaadihii labada todobaad ahaa ee horay loogu soo goray goobaha waxbarashada dalka uu hadda waqtigoodii dhamaaday, balse mar kale ay dowladu go’aamisay in goobaha waxbarashadu sii xirnaadaan laba todobaad oo kale, si looga guuleysto cudurkan.

Sidoo kale bushada Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda waxbarashada iyo dadka ka shaqeeya goobaha muhiimka ah, ayuu ka dalbaday inay iska tallaalaan cudurka, isagoo sheegay in 90 goobood oo ku yaalla gobolka Banaadir hadda laga doona karo tallaalka Coronavirus.

Kiiska badda – wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sababa Kenya ay ku andacootay inay uga hartay dacwadii badda ee dhawaan ay qaaday Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.

Waxa uu sheegay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku kalsoonyihiin waxii ka soo baxa xukunka badaas ee laga sugayo Maxkamadda ICJ.

Hoos ka Daawo