Yuusuf Garaad oo ka mid ah guddigii ay DF u dirsatay ICJ oo laga helay COVID-19

Hague (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, haatana ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed Yuusuf Garaad Cumar oo ka mid ahaa guddigii ay dowladda Soomaaliya u dirtay xurunta dhexe ee maxakamadda ICJ ayaa shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus, isagoo ku sugan dalka Holland.

Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookga waxa uu ku sheegay in cudurkan laga helay saakay, isagoo doonaya inuu Soomaaliya u soo safro, maadaama ay maalmihii la soo dhaafay Holland u joogeen ka qeyb-galka dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa Kenya.

“Walaalaha, saaaxiibbada, ardaydeydeyda iyo qof kasta oo ay farriintani gaarto waxaan la socodsiinayaa in la iga helay Covid. Si aan saaka uga dhoofo Holland, oo aan shaqo Qaran u joogay, ayaan shalay is baaray. Waa la iga helay xanuunka, waana baaqday,” ayuu Yuusuf qoraalkiisa ku yiri.

Waxa uu sheegay in uusan dareemeyn astaamaha cudurka laga sheegay ee COVID-19 ama wax xanuun ah, balse uu is karaantiilay.

“Haba yaraatee, hadda ma jiraan wax astaan xanuunkaas ama mid kale ah oo aan dareemayo. Urta iyo dhedhenkana waa ii wanaagsan yihiin. Waa Allah mahaddiis. Waxaan galay is keliyeyn ama karaantiil si aanan Aadane kale u qaadsiin. Rabbi ha iga xijaabo khatarta cudurkaan igu helay dhul shisheeye,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Yuusuf Garaad ayaa dadka aad uga wacyi geli jiray tan iyo markii uu soo shaac baxay cudurkan, waxuuna dhalinyarada ku baraaruji jiray in waalidkood oo waayeel ah iyo dadka kale oo aan xamili karin cudurkaan ay soo gaarsiiyaan, inta si fudud uga soo qaadaan magaalada.