Dhacdo sababtay khasaare culus oo caawa ka dhacday magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaari nooca xamuulka qaada ah ee loo yaqaano Indhataree ama Is-jiid ayaa caawa ku rogmaday isgoyska Siinaay oo kala qeybiya degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Gaariga rogmaday ayaa la sheegay in laga waayey wax bareeg ah, isla markaana uu bartamaha isgoyska ku dhacay, isagoo xawaare sare ku socda.

Gaariga ayaa ku dul dhacay mooto Bajaaj wadada mareysay, waxaana la xaqiijiyey dhaawacyada seddax qof, in kastoo uu jiri karo khasaare kale.

Sidoo kale waxaa goobta ka dhashay dab xoog leh oo haatan weli demintiisa lagu howlanyahay, waxaana gubanaya qeybta hore ee gaariga, mootadii uu ku fariistay iyo xamuulkii saarnaa gaariga.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in dabku uu ka dhashay fiilooyin Koronto oo gaarigu jaray, waxaana goobta gaarigu ku rogmaday aad ugu dhow kaalin shidaal oo laga cabsi qabo in dabku ku baaho.