Daawo: DF oo shaacisay goobta uu ka dhacayo shirka uu Farmaajo iclaamiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha doorashada, khilaafka ka taagan iyo halka uu ka dhacayo shirka uu xalay iclaamiyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Ugu horeyn wasiirka ayaa sheegay in shirka uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo uu ka dhici doono xarunta ciidamada cirka Soomaaliya ee Afisyooni oo ku taalla xeyndaabka garoonka Aadan Cadde iyo xerada Xalane, halkaas oo ay deganyihiin UN-ka, AMISOM, safaaradaha iyo hey’adaha caalamiga ah ee ku sugan Soomaaliya.

“Madaxweynuhu waa kii soo saaray casuumaadda shir ay madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah isugu imaanayaan 22-ka bishan Maarso, shirku waxa uu ka dhici doonaa Afisyooni, qaban-qaabada iyo isku diyaarinta shirkaas waxaa ku howlan xafiiska ra’iisul wasaaraha,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu xalay soo saaray markii 5-aad ku iclaamiyey shir ay isugu imaanayaan madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, balse qoraalkaas laguma xusin halka la isugu imaanayo ee shirkaasi uu ka dhacayo, taas oo abuurtay hadal heyn ku aadan sababta uu Farmaajo uga gaabsaday ku dhawaaqidda halka uu ka dhacayo shirkaas.

9-kii Febraayo, 17-kii Febraayo, 22-kii Febraayo iyo 1-dii bishaan Maarso ayuu madaxweyne Farmaajo iclaamiyey shirarkii fashilmay, balse waxaan la ogeyn inuu dhici doono kan uu hadda iclaamiyey markii shanaad, kaas oo loo qorsheeyey inuu Xalane ka dhaco 22-ka bishan, waxaana xusid mudan in gudaha Xalane ay hadda deganyihiin madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Hoos ka Daawo