Faysal Cali Waraabe: La fadhiisiga Somalia inaan kasbano Abiy baa ka roon

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah Somaliland ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ku sugan Brussels ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay ku adkaan doonto la fadhiisiga Somalia.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay inuu aad ula socdo baaqyada kasoo baxaaya beesha caalamka ee ka imaanaya shirka magaalada Brussels, hase yeeshee aysan xiligaan diyaar u aheyn aqbalaada baaqyada.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in wakhtiga ay ku bixin lahaayen la kulanka Somalia ay wanaagsanaan laheyd inay galiyaan sida ay ku kasban lahaayen Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

“Danteena kama dhex aragno baaqyada kasoo yeeraya beesha caalamka, madaxweynaha Somaliland waxaan oran lahaa wakhtiga aan ku bixin laheen Somalia aan ku bixino kasbashada Ra’isul wasaaraha Ethiopia oo aan fursad ku la’ nahay”

“Yaan wakhti nalooga lumin Somalia maadaama ay kasoo horjeedo hormarkeena waxaan qabaa inaan ka gudubno wadahadalka nagala dhexeeyay”

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe ayaa arrin muhiima ku sheegay dib usoo nooleynta xiriirka Somaliland iyo Ethiopia oo uu sheegay inuu sii galaayo mugdi waxa uuna cadeeyay inaanu jirin xiriir xiligan ka dhexeeya Somaliland iyo Abiy Axmed.

Haddalka Faysal Cali Waraabe, ayaa u muuqanaaya mid muujinaaya in mugdi uu galay xiriirka Ethiopia iyo Somaliland oo doorashada Abiy Axmed ka hor ahaa mid wanaagsan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com