Gaas oo sheegay hal arrin oo keenta in maamullada iyo dowladda is-qabtaan

Brussles  (Caasimadda Online) – Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ah madaxweynaha Puntland oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirka Brussles uga furmay Soomalida iyo Beesha Caalamka ayaa ka hadlay arrimo badan.

Arrimaha uu ka hadlay Cabdiweli Gaas waxaa ka mid ah dagaalka ka socdo Takuraq, Amniga iyo Khilaafka dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Cabdiweli Gaas ayaa shaaciye in khilaafka marwalba soo laab laabta uu sabab u yahay Madaxda Soomaalida oo ah dad Siyaasad weyn ay ka dhaxeyso,taasina ay keeneyso in la’is khilaafo, wuxuuna sheegay inuusan khilaafka aheyn wax dagaal ah balse ay tahay sidii dalka xal loogu raadin lahaa.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in khilaafka mararka qaar yimaado uusan noqon mid abuuro caqabad horleh oo wax dumiya balse uu noqdo mid wax dhisa,waxa uuna rajo ka muujiyey in wax wanaagsan ay ka soo baxaan shirka Magalada Brussles.

Dhowr mar ayaa waxaa khilaaf uu soo kala dhex galay Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada,khilafkaas oo soo ifbaxay wixii ka dambeeyey khilaafkii Wadamada Khaliijka.

Cabdiweli Gaas ayaa madax u ah gole ay sameysteen maamul Goboleedyada kadib khilaafkii dhexmaray iyaga iyo dowladda dhexe, waxayna arrintaas keentay inaysan hore u socon shaqada dowladda Soomaaliya.

Khilaafka Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa kasoo bilowday mowqifka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafkii dowladaha Khaliijka dhex maray  taasoo keentay inay imaaraadka Carabta garab weyn ka hesho madaxda Maamul Goboleedyada.

Inkastoo markaas kadib ay dhawr kulan yeesheen dowladda iyo Madaxda Maamul Goboleedyada, haddana waxaa markasta muuqato inuu khilaafkaas weli jiro oo uusan meesha ka bixin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com