Faysal Cali Waraabe: Naftii Siyaad Barre ayaa gashay Farmaajo kadib markii uu…

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlaya Sawir uu Farmaajo uu la galay Korneyl Yuusuf Cabdi Cali oo loo yaqaano ‘Korneyl Tuke’.

Korneyl Tuke, oo ahaa Sarkaal horey uga tirsanaa ciidamadii militariga ee Xukumaddii Maxamed Siyaad Barre, ayaa maxkamad Mareykanka ku taal ku heshay inuu uu dad rayid ah ku dilay magaalada gabiley ee deegaanada Somaliland

Guddoomiye Faysal ayaa kulankaasi uu Farmaajo la qaatay Kornayl Tuke ku tilmaamay mid uu ku dheel-dheelayo dadweynaha reer Somaliland, maadama uu sawir la soo galay shaqsi ay maxkamadi ku heshay inuu xasuuqay dad reer Somaliland ah.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dib u soo nooleynayo Siyaad Barre, isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Wuxuu markii hore xoogiisa saaray inuu Somaliland Curyaamiyo isagoon lahayn awood uu ku curyaamiyo, Maantana Tuke oo dadka nolosha ku gubayey(inuu Farmaajo sawir la soo galo) waxay ina tusaysaa laba Arrimood”.

“Mida koowaad waxa weeyaan innaga ayuu innagu dheel-dheelayaa oo uu leeyahay waxaad tihiin ma jirto, ta labaad, wuxuu ku dheel-dheelayaa Raggii isagoo 21 Maalmood joogay doortay ee yidhi Madaxweyne noqo, kuwaasi oo uu haddana Shalay u diidayey inay Kismaayo tagaan, markaa Dadka aan jirin waa labadeenaa qolo, Dadkeenii baa la xasuuqay”.

Wuxuuna intaas kusii daray Faysal Cali “Farmaajo waxa gashay naftii Siyaad Barre, wuxuuna leeyahay waanu soo noqonay oo waanu idin ciqaabi doonaa”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaleeceyn weyn kala kulmay Siyaasiyiin caan ah iyo baraha bulshadaba, sawirkaasi uu la soo galay Korneyl Tuke, taasi oo dad badan u arkaan in uu Farmaajo dib u xan-xanteynayo boogaha dadkii uu xasuuqey kornaylku.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com