Xidig oo si kulul uga hadlay kiiska nabaddoon u xiran maamulka Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xidig oo sheegta in taageerayaashiisa ay u doorteen Madaxweynaha Jubbaland ayaa cambaareyey xarigga Nabadoon Cabdi Colow oo maalintii labaad u xiran maamulka Axmed Madoobe.

Xidig ayaa sheegay in Nabadoon Colow uu ka mid yahay xubnaha isbedalka doonka Jubbaland, islamarkaana uu si aad ah u dhaliili jiray Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xariggiisa uu sharci darro yahay, islamarkaanay qoraalkan ay gaarsiiyeen UN-ka, dowladda federaalka iyo dhammaan hey’adaha ay khuseyso.

“Nabadoon Abdi Olow oo kamid ah Nabadoonada ree Jubaland ee u ololeeya isbedelka sida xoogana u dhaliila maamulkii hore ee Jubaland :Qoraal ayaan gaar siinay xafiiska xuquuqul insaanka ee UN, Taliska booliska Jubaland, Dowlada Federaalka iyo Dhamaan heyadaha ay khuseyso ayuu yiri.” Xildhibaan Xidig.

Nabadoon Cabdi Colow oo heysta dhalashada dalka Canada aya habeen hore gurigiisa waxaa kala baxay ciidanka Jubbaland, kuwaas oo ku xiray xabsi ku dhow hoygiisa.

Tan iyo markii ay dhacday doorashadii muranka dhalisay ee dib loogu doortay Axmed Madoobe waxaa gudaha magaalada Kismaayo ka taagnaa xiisado u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo garabka macaaradka oo si weyn u dhaliilsan maamulka Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com