Faysal Cali Waraabe oo ka horyimid wadahadallada Somalia iyo Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo ku aadan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, kadib markii uumadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo bandhigay qorshihiisa ku aadan in lasii amba qaado dooda labada dhinac.

Ugu horreyn Faysal Cali Waraabe ayaa ka horyimid in xilligan la furo wadahadal u dhexeeyo xukuumadaha Hargeysa iyo Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan wax shaqo ku laheyn arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sida uu ku dooday.

“Wadahadal lala furo Somaliland waxay u tixgalin doontaa  mid aan shaqaynayn iyo faragalin lagu sameeyay arrimaheeda guddaha, waxba nagama galin 5-ta gobool ee qabaa’ilku ka taliyo ee Soomaaliya” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID.

Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Muuse Biixi, isaga oo tilmaamay inuu uusan metalin shacabka Somaliland.

Siyaasigan oo aan hadalka la gamban ayaa shaaca ka qaaday in shardiyaddii ay ka dhammaatay Biixi, islamarkaana kaliya uu metalo xisbiga Kulmiye.

“Muuse Biixi ma haysto sharciyad uu ku matalo reer Somaliland, kaliya wuxuu matalaa xisbigiisa Kulmiye,” ayuu markale yiri Injineer Faysal Cali Waraabe.

Si kastaba, wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sanadihii ugu dambeeyey hakad galay, balse dowladda federaalka ayaa haatan shaaca ka qaaday inay dib u bilaabeyso dadaalkeeda, kadib kulan uu madaxweynuhu la yeeshay Danjiraha Turkiga Mehmet Yılmaz, iyo Siihayaha Xilka Danjiraha Norway ee arrimaha Soomaaliya Haakon Svane.