Faysal Cali Waraabe oo shaaciyay in Somaliland la keenayo ciidanka Amisom

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay Arrimo badan oo xasaasiya oo ay ka mid tahay in Amisom ay tagayaan Somaliland..

Guddoomiye Faysal ayaa ka dhawaajiyey inaanay marnaba xisbiyada Kulmiye iyo Ucid aysan ku heshiinin inay Somaliland ka dhacdo Doorasho ay labadooda xisbi oo keliya ay ka qeyb-galaan.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale wuxuu markii u horeysay shaaciyey heshiis gaar ah oo dhex-marey Guddoomiye Ciro, kaasi oo ahaa inay Somaliland keenaan Ciidammada nabad ilaalinta ee AMISOM.

Guddoomiyaha oo ka hadlaya Arrimahaas ayaa wuxuu yiri “Waxaanu nidhi Doorashadu ha dhacdo ee Maanu odhanin laba Xisbi ayaa qabanaya, sida Sharcigu sheegayana ha dhacdo 12-ka December, 2019, Komiishankii uu Waddani yidhi kuma kalsoonina ay meesha ka baxayaan, markaa geesta kasta wuu guulaystay, laakiin Ninkii wuxuu yiri ‘Baroortu Orgiga ka weyn’ arrintu Komiishanka way ka weyn tahay”.

“Weligayo Xisbiyada sidaas ayaanu isku qaban jirnay, 6.6 waad ogaydeen, arrimuhu waxay ahaayeen kuwo aanu gacanta ku hayno, laakiin runtan idiin sheegayaa reer Somaliland maanta arrimaha waa la inala yeeshay, gacmo-shisheeye ayaa inagu jira, taasi waa sababta aynu u heshiin waynay 14-ka bilood”.

“Sanaag, Saddexdii degmo ee Maamulkeenu ka shaqaynayey markii la yiri Xaalad deg-degga ah ayaa lagu rogay, macnaheedu waxa weeyaan Dalkaygu nabad maaha, markaa waxay ahayd go’aan xun”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Cabdiraxmaan Ciro waakase ha igu beeniyo, waxaan ku iri, haddii Saylici uu Madaxweynaha ka soo dhameyn waayo labadii xubnood ee Komiishanka lagu darayey, labadeenuna intaynu tagno Nairobi ayeynu AMISOM u yeedhaynaa, Cabdiraxmaan wuxuu yiri waa si fiican, Gacan Libaax baynu ka soo dejinaynaa ayaan ku idhi oo leh Garoon diyaaradeed oo dabiici ah, kadibna Arbacadii ayaa labadii xubnood la noo keenay, laakiin Cabdiraxmaan wuu diiday”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com