Axmed Maxamed Xuseen oo xukun adag lagu riday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga gaar ahaan Boliska ayaa siyaaba kala duwan dhac ugu geystay dad rayid ah oo uu u galay waddada xilliya kala duwan qeyba kamid ah degmada Kaaraan gaar ahaan Xaafadda Jamhuuriya.

March Tobankeedii Sanadkan ayay Ciidamada amniga kasoo qabteen Xaafadda Jamhuuriye xilligaasi oo uu gacmaha kula jiray dhac uu u geysanayay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan xaafadaasi.

Todoba qof oo dhibana u ah ayaa iska diiwaan geliyay galka cabashada Ciidamada Amniga ee degmada Kaaraan kuwaasi oo ka cabanayay dhac uu u geystay Dable Boliis Axmed Maxamed Xuseen.

$604 agab Teleefoona ah oo kala duwan lacag u dhiganta ayuu qaatay iyo malyan iyo Shan boqol oo Shilin Soomaali ah.

12-bishii sedaxaad ayaa loo soo wareejiyay kiiskiisa xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, wixii xilligaasi ka dambeeyay Garsoorka Ciidamada ayaa u diray xabsiga dhexe si loo soo dhameystiro Cadeymaha kiiska eedeysanaha.

Sedaxda bishii tagtay ayay xafiiska xeer ilaalinta codsadeen in la horgeeyo Maxkamadda, lix cisha kadib ayay Maxkamadda ballamisay eedeysanaha maxkamadeyntiisa.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa horkeenay Maxkamadda ilaa todoba dhibane oo dhammaan dacwad ka ah eedeysanaha oo siyaaba kala duwan uga qaatay teleefanadooda isaga oo ku labisan dareeska ciidamada amaniga, waxa ay sidoo kale horkeeneen Maxkamadda qorigii uu dhacca ku geysan jiray eedeysanaha iyo Qiraalkiisa.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka side ayaa ku dooday in eedeysanaha uu caadeystay jidgooyo oo uu ku dhaco dadka isaga kala goosha qeyba kamid ah degmada kaaraan gaar ahaan Jamhuuriya.

Waxa uu Sidoo kale ku dooday Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada in Eedeysanaha uu beegsan jiray dadka xilliyada dambe Shaqeeyo gaar ahaan kuwa ka shaqeeyo Gowraca Xoolaha.

Qareenada u dooday Eedeysane Dable Axmed Maxamed Xuseen ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in loo naxariisto oo loo eego sifaalaha dambiga fududeeya.

Maxkamadda ayaa kiiskan go’aamisay in aan fadhi kaliye ku filneyn, waxaa la isugu soo noqoday laba fadhi oo kale 16 iyo 23-ka bishii na dhaaftay ayaa markale la dhageystay Kiiskan.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada Go’aan kasoo saartay Eedeysane Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga, waxa ayna Maxkamadda Ku xukuntay Sideed Sano (8) oo Xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad waxaa ka furan Rafcaan hadii aysan ku qancin dhinacyada dacwadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com