Abiy Ahmed iyo Farmaajo oo loo diiday inay ka wada dagaan magaalada Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shaaciyay in Somaliland ay lumisay fursad ay si wadajir ah magaalada Hargeysa ugu tagi lahaayeen madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisu wasaaraha Ethiopia.

Mr Guuleed ayaa sheegay in markii la dooranayay madaxweyne Farmaajo ay olole doorasho ay ka socdeen Somaliland, laakiin markii dambe ay soo  baxday fursad ay madaxda dowladda Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare Abiy ku tagi lahaayeen magaalada Hargeysa.

“Markii madaxweyne Farmaajo la doortay kadib waxaa jirtay doorasho ay ku mashquulsaneyd Somaliland. Annagu aragtideenna waxay ahayd in saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani kii la doortaba in aannu la shaqeyno lana sii amba qaadno wadahadalladii horay u socday, mid aannu gaar u taageersaneyn ama aan niyadda ka rabnayna ma jiro”

“Markii dambena waxaa toos u wada xiriiri jiray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Biixi, xiriirkooduna wuxuu wanaagsanaa ilaa laga soo billaabo bishii Maarso ee sannadkii 2018-kii”, ayuu yiri Mahdi Maxamed Guleed oo wareysi siiyey Goobjoog TV.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay diiday booqasho wadajir ah oo madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku tegi lahaayeen magaalada Hargeysa.

“Waxaan kuu sheegayaa in dhawaan ay Soomaaliland lumisay fursad dahabi ah oo ahayd in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweyne Farmaajo ay rabeen in iyagoo wada socda ay ka dagaan Hargeysa”

“Laakiin markii madaxweynaha Soomaaliland iyo maamulkiisa ay wada tashadeen ma aysan suurtoobin, ilaa haddana dhankeenna diyaar baan u nahay inaan mar walba tagno, ha noqoto Farmaajo oo kaligiis ah ama isagoo uu la socdo Abiy”, ayuu yiri Ra’iisal Wasaare ku xigeenka oo markii ugu horeysay kashifay Qorshahan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com