Odayaasha beelaha oo ku dhowaaqay qorshe culus oo la xiriira DF iyo maamulada

Muqdisho (Caasimada Online) – Markaa maqasho dowladda iyo maamul Gobaleedyada waxaa kugu soo dhacaya Khilaaf, muran iyo is qab qabsi dano gaar ah ku dhisan, balse waxa xiga ee la is waydiiyo ayaa ah yaa xalin doona, ma Shisheeye mise dhaxdooda?

Markii ugu horreysay odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ayaa wada isku daygii 1-aad ee lagu dhex dhexaadinaya dowladda iyo maamul Gobaleedyada markii ay ka soo laabtaan Shirka Garowe ee Puntland.

Nabadoon Xasan Kacaan oo kamid ah odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ku balameen shir ay isugu imaanayaasha odayaasha dhaqanka kadibna looga dhawaaqi doono shir wayne lagu heshiisiinayo dowladda iyo maamul Gobaleedyada si looga faa’iideesto waqtiga yar ee harsan.

Nabadoonka ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin xaaladda sitaasadeed iyo midda amni ee dalka, sidoo kalane ay rajo xumi ka qabaan in dalka doorasho ka dhici doonto sanadka 2021ka hadii aysan dhicin isbadal iyo wadashaqayn guud.

“Waxaan ku ballanay in aan qabano shir kadibna aan ugu yeerno kulan ay isugu imaanayaan dowladda iyo maamulada waana go’aan aan gaarnay” ayuu yiri Nabadoon Xasan Kacaan.

“Ciddii diido waxaan u arki doonaa caqabad mana aaminsani in ay jirto qof diidaya, maxaa yeelay meel fog ayaa ka keenay dowladnimada hadii aan nahay odayaasha dhaqanka ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Nabadoon Xasan Kacaan oo la hadlay Caasimada Online.

Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyaa in ay ka gaabiyeen doorkii ay ku lahaayeen la socod-shada dowladda iyo ka warqabka caqabadaha ay wajahayso maadaama ay yihiin hogaankii soo dhisay dowladnimada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com