Sawiro: Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Masar oo maanta tagay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dalka Masar, Ambassador Hamdi Loza iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku yimid Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Mudane Cabdulqaadir Cumar Jaamac iyo Wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Mudane Liibaan Yuusuf Cusmaan ayaa madaarka Hargeysa ee Cigaal International ku soo dhoweeyay wafdigan ka socday dawlada Masar.

Wafdigan uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Masar Ambassador Hamdi Loza, ayaa booqasho dhowr maalmood ah ku joogi doona Somaliland.

Wafdigan ayaa inta ay ku suganyihiin magaalada Hargeysa waxay kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxda Somaliland, iyagoona booqashooyin muhiima samayn doona mudada ay ku suganyihiin Caasimada Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibeda ee Masar ayaa ka mid ahaa Masuuliyiin Masaari ah oo sannadkan gudihiisa uu Wasiir ku-xigeenka Caafimaad Somaliland kula kulmay Magaalada Qaahira, isagoo xiligaasi ahaa Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda.

Socdaalka ay maanta ku imaaden Somaliland Wafdigan uu hogaaminayo Ambassador Hamdi Loza ayaa ku soo beegmaya xili uu shalay magaalada Hargeysa u soo gaadhay Wefdi uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Mr Olusegun Obasanjo.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com