Faysal Cali Waraabe oo u hanjabay MUUSE BIIXI

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa luuqad adag kula hadlay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isagoona sheegay in uu sharcigii ka dul talaabsaday.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu Somaliland ka dhigay meel uu gaar u leeyahay, isla markaana uu ka yeelo siduu rabo oo xabsiyadana ku guro cida ka hor-timaada maamulkiisa.

Faysal Cali ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shacabka Somaliland aysan marnaba ka aqbaleyn dhaqanada qalafsan ee Biixi, isla markaana ay isagu iman doonaan talo haddii ay dalka doorasho ka qabsoomi weydo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa kale oo uu rajo la’aan weyn ka muujiyey in Madaxweyne Biixi uu aqbali doono guddidii dhex-dhexaadinta ka dhex bilowday xiisada ka dhex aloosan isaga iyo Xisbiga Waddani.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta kula hadlayey gudaha Hargeysa, ayaa waxa uu si adag u sheegay in Muuse Biixi uusan dalkan Kalitalisnimo kusii wadeyn, wuxuuna yiri “Hadii ay doorashadu dhici waydo tallo ayeey shacabku iskaga imanayaa, maanta dalkeena wasaarad shaqaynaysa ma jirto”.

“Waxa uu dalkii ka dhiga madaxweyne Muuse tukaan uu lahaa oo xaqdaro kaga maqnaa 26 sanno oo uu soo ceshaday oo uu leeyahay aniga leh, taasina waxa suurogalaysa oo shacabku yeelayo maaha”.

“Madaxweynihii aynu islahayn waxbuu hagaajinaya waxay tallo kaga soo hadhay madax adayg, laba sanno ayaa intaas baryayey oo madaxaan ka dhukaday way iga dhamaatay dulqaadii in nin qayrkay ah oo aan ixtiraamay oo madaxweyne ka dhignay oo la shaqaynay intaas in ka badan aan baryaa noqon mayso”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Shacabka Somaliland-na u baryi maayo, Kalitalisnimo dalkani kuma soconayo; qofka aan doonana waan xidhaya, waxaan jecelahay baa sharci ah waxaanan doonayna sharci maaha la aqbali maayo,”

“Wada-hadaladii waxan ku wareejinay dadkii wadankan dhaqaalaha ugu badan lahaa ee ganacsadatada iyo culimo uu idinka ahaa, anigoo rajo weyn ka qabin inuu yeeli doono in uu doorkan yeeli doonno ayaan ilaahay ka baryeyaa”.