Madaxweyne Farmaajo oo ergey siyaasadeed nooc cusub ah magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ergey madaxweyne oo gaar ah u magacaabay Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed.

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha oo ku taariikheysan 17-ka November, ayaa xilkan loogu magacaabay Balal Maxamed Cusmaan, oo horey uga mid ahaa la-taliyayaasha madaxweynaha.

Warqadda madaxweynaha, oo Villa Somalia aysan si rasmi ah u faafin balse ay heshay Caasimada Online, laguma sheegin shaqada ergeygan, oo ah xil Soomaaliya ku cusub oo aan horey u jirin.

Si, kastaba xildhibaano ku dhow madaxweynaha ayaa Caasimada Online u sheegay in ergeygan uu madaxweynaha u qabilsanaan doono xiriirka saddex geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, wada-hadallada Kenya, iyo xiriirka dalalka badda cas sida Jabuuti iyo Yemen.

Dad madaxweynaha ku dhow oo la hadlay Caasimada Online balse codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in madaxweynaha uu tallaabadan qaaday, ayada oo ay qeyb ka tahay guddi ay sidoo kale dalalka gobolka xubno soo magacaabi doonaan.

“Maaxweynaha ma doonayo inuu mar walba u safro dalalka Kenya, Itoobiya iyo Eritrea ama Sacuudiga, oo arrimo badan ay kaga xiran yihiin Soomaaliya. Sidaas darteed wuxuu doonayaa ergey mar walba tagi kara dalalkaas, isaga kaliyana soo war-geliya” Ayuu yiri qof la hadlay Caasimada Online.

Hoos ka aqriso magacaabista