Umal oo ka hadlay sida loo joojiyey muxaadarada iyo wixii dhex maray isaga iyo madaxda DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo maalmahaan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta faah faahin ka bixiyey sababta keentay in la joojiyo muxaadaro la qorsheeyey inuu ku qabto magaalada Muqdisho.

Sheekh Umal ayaa sheegay in isaga uu dalbaday in gebi ahaan muxaadarada la joojiyo, isaga oo kasoo horjeeda in muxaadarada darteed uu dhiig u daato, kadib hanjabaad ka timid culimada Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Isaga oo hadal ka jeedinayey kulan lagu soo dhaweynayey oo Galabta lagu qabtay Muqdisho ayuu sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka ay ka go’neyd qabashada muxaadarada balse isagu uu gartay in aan marnaba la qaban.

“Haddii aan ummad Soomaaliyeed dhiigooda daadinayo marka ay dhibaatadu gaarto uma soo gurmadeen xoolo uma soo ururiyeen, sidaas darteed madaxda dowladda oo diidan oo ku adkaysanaya anigaa joojiye.” ayuu yiri Sheekh Umal.

Waxaa uu sidoo kale hadalkiisa uu intaasi ku daray inay nasiib darro tahay dadka leh fadwo uu sameeyey ayaa dad lagu laayey, wuxuuna sheegay in hadii ay taasi jirto uusan u soo gurman laheyn shacabka Soomaaliyeed.

“Arrintu ma aha wadaaddada ha lakala qabto ee waa wadaad ayaa khaldamay, waana in la qabtaa ninka khaldan, aniga raali baan ahay.. ma ahi nin u dudsan muxaarado ayaa laguu diiday, mana qabo Magaalada Muqdisho ayaa laguugu takooray, mana qabo raali gelin inaan i siisaan.. markaan u jawaabayna waxaan iri Muqdisho waa magaaladeyda, marar kalena waan soo noqon doonaa..” ayuu yiri Sheekh Maxamed Cabdi Umal.