Faysal Cali Waraabe oo waji cusub u yeelay dagaalka SSC iyo Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay dagaalkii dhowaan ka dhacay Buqdharkayn ee gobolka Sool ayaa tilmaamay in ujeed gaar ah laga leeyahay, isla markaana la doonayo in lagu dabar jaro reero gaar ah.

Faysal Cali Waraabe ayaa xusay in dagaalkaas ay soo qaadeen waxa uu ku tilmaamay cadow soo duulay oo uu ugu yeeray G21, isaga oo ku eedeeyay in ujeedka kooxdan uu yahay inay dabargoyso beesha Isxaaq, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay ciidanka SSC-Khaatumo inay gubeen tuulada Buqdharkayn, taasina ay cadeyneyso cadowtinimada ay u hayaan Somaliland.

“Arrinta ka dhacday deegaankaasi waxay muujinaysa siyaasada iyo u jeedada ay leeyihiin cadawga inagu soo duulay, ee isbahaystay ee G21, waa dabargoynta reer Sheekh Isaxaaq” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka Somaliland, wuxuuna ugu baaqay inay garab istaagaan ciidankooda.

Waxaa kale oo uu baaq u diray ciidanka, isaga oo ka dalbaday in aysan ku xadgubin dadka shacabka ah iyo hantidooda.

“Shacabka Somaliland waxan leeyahay hala taageero ciidankeena, difaaca qaranka iyo xuduudeena, yaan loo dhaqmin siday u dhaqmeen, yaan guryaha la gubin, yaan maatida la dilin, yaan maxaabiista la dhibaatayn” ayuu mar kale yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo todobaadkii hore uu mar kale dib u qarxay dagaalka u dhexeeyay SSC iyo Somaliland oo isku haya gacan ku hayta gobolka Sool.