Faysal Cali Waraabe: Waxa ay Soomaaliya ka degi la’dahay waa maamulka Puntland

Hargeysa (Caasimadda Online) – Faysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu yahay meesha kaliya ee Soomaaliya ka dagi la’dahay.

Isagoo maanta khudbad ka jeedinayey Fagaare ku yaalla Magaalada Hargeysa ayuu in  Puntland ay qasto siyaasadda Soomaaliya, haddii aanay iyada ahaan lahaynna ay Soomaalida nabad ahaan lahaayeen sida uu hadalka u dhigay.

“Walaalayaal Soomaaliya waxay la degi la dahay waa Puntland, qoladan oo aanu jaarnahay wuxuu baarlamaankooda shalay yiri doorasho kama dhici doonto Sool iyo Sanaag, bal eegga walaalayaal dhibaatada ay wadaan, waxaa ka degi la Soomaaliya, waxay maalin walbo ka shaqeeyaan dhibta Soomaaliya” ayuu yiri Waraabe.

Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in haddii xisbigiisa uu ku guuleysto doorashada 13-ka bishan in uu keeni doono gooni isku taagga Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa shalay isku raacay in doorasho aanay ka dhici gobollada muranka uu ka jiro ee Sool iyo Sanaag.

Hadalka Feysal Cali Waraabe ayaa imaanayo xilli ay Somaliland ka socdaan olole uu xisbi kasta ku doonayo inuu ku helo madaxweynimada Somaliland.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa muddo badan ku muransan deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag, waxaana halkaas dhawr jeer oo hore ka dhacay dagaalo khasaaro badan geystay.

Somaliland ayaa horey u sheegtay inay doorasho ka dhicid doonto deeganadaas, halka Maamulka Puntland uu sheegay inay arrintaas keeni doonto dagaal labada maamul dhexmaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasaimada@live.com