Xaaf oo qiray in gacantiisa ay ka baxday lacagtii lagu dhisi lahaa dekadda Hobyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa ka hadlay halka ay ka baxday lacagtii loogu tallo galay in maamulka uu ku dhiso Dekadda Magaalada Hobyo.

Xaaf oo la hadlaayay xubno ka kala tirsan labadiisa Gole, ayaa sheegay inuu jiray dhaqaale ay ugu tallo galeen in dib loogu dayactiro Dekadda magaalada Hobyo, waxa uuna tilmaamay in lacagtaasi uu isku difaacay.

Xaaf waxa uu tilmaamay inuu la kulmay caqabado Siyaasadeed oo lama dhaafan ah, si looga gudbo uu maciin biday inuu ku daweeyo dhaqaalahaasi oo dhamaa Hal milyan oo dollarka Mareykanka ah, sida uu hadalka u dhigay.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa ”Runtii lacagtii loogu talo galay dhismaha Dekadda Hobyo ee halka Milyan aheyd waxa ay ku baxday difaaca dagaalkii nagula soo qaaday”.

”Waan ku qasbanaanay inaan bixino lacagtaas waayo waxaa nalagu soo qaaday dagaal qaawan oo jahwareer na galiyay muddo ku dhow bil”

Hogaamiye Xaaf waxa uu intaa kadib sheegay in shaqsi ahaantiisa uu iminka diyaar u yahay keenista lacagtaas, si loo sii anbaqaado dhismaha Dekadda Hobyo.

Dhinaca kale, Xaaf ayaa xubnaha labadiisa Gole ku wargaliyay inuusan aheyn sanduuq wax lagu keydsado, balse uu sheegi doono wax waliba oo lasoo gudboonaada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com