Wasiirkii gaashaandhiga oo la ogaaday in fadeexad yaab leh uu xilka ku waayey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dhawaan ku dhawaaqay inuu xilkii iska Casilay Wasiirkii hore ee Gaashandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed markaas oo ay golaha wasiirada ku sheegeen sababta uu isku casilay inay aheyd arrin shakhsi ah.

Tan iyo markaas waxaa soo baxayey warar kala duwan oo ku saabsan sababta keentay inuu is casilo, iyadoo xilligaas ay wararka qaar sheegayeen inuu doonayo booska Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ku dhagan yihiin Xildhibaan badan oo doonayo inay ka qaadaan xilka Madaxweynimo ee Koonfur Galbeed.

Haddaba xogta ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegeyso in is casilaaddii Wasiir Cabdirashiid ay timaaday kadib markii uu sidaas ku amray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wararka soo baxayo ayaa sheegayo in Wasiirka Gaashaandhigga lagu helay musuq maasuq ku aadan inuu Kharashaad dheeraad ah saartay Saanad loo iibiyey Ciidamada Militariga.

Arrinta uu ku kacay wasiirka ayaa la sheegay in laga helay Caddeyno iyo marqaati isla markaasna uu arrintaas ka xumaaday Madaxweyne Farmaajo oo si deg deg ah ugu amray inuu isaga dago xilkaas .

Arrintaas ayaa waxaa ka dhalatay muran fara badan oo dhex maray madaxda ugu sareyso dalka iyo Wasiirka is casilay, waxaana ugu dambeyn loo sheegay inuu is casilo ama la casilo.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isku dayey inuu dhex dhexaadin sameeyo balse Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay inuu Wasiirka isaga tago shaqada maadaama uu ku kacay Musuq maasuq cad oo loo hayo Caddeymo.

Ugu Dambeyntii Wasiirkii Gaashaandhigga ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay kadib markii uu Ra’isulwasaaraha u geeyey Waraaqdii is casilaada kadibna waxaa arrintaas aqbalay oo soo dhaweeyey Golaha Wasiirada.

Wasiirka is casilay ayaa sabab u dhigay is casilaadiisa inay jiraan arrimo Shakhsi ah si aysan arrintaan u ogaan saxaafadda iyo shacabka, wuxuuna markaas kadib kulan xasaasi ah la qaatay Xildhibaanada kasoo jeedo deegaanada Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com