Fernando Torres oo daaha ka qaaday jaceylka uu u qabo Liverpool (Aqriso)

Fernando Torres ayaa u muuqda inuusan weli la lumen jaceylka kooxdiisii hore ee Liverpool, inkaastoo uu laba sano ka hor uga biiray kooxda Chelsea.

Fernando ayaa ka hadlay sida uu ugu riyaaqayo waayihiisii Reds, isagoona bogaadiyey taageerayaasha kooxda iyo tababarihiisii hore ee Rafa Benitez. El Nino ayaana ka gaabsaday inuu sheegi sirta ka dambeysa inuu ka tego kooxda ka dhisan magaalada Liverpool. Wuxuuna sheegay in mar uun xaqiiqda la ogaan doono.

“Abaal weyn ayaan u hayaa Liverpool, taageerayaashooda iyo Benitez. Liverpool waa qeyb weyn oo nolosheyda ka mid ah. Waan ka warqabaa haatan inaan la iga texgelineynin laakiin waan hubaa in taas ay isbedeli doonto mustaqbalka,” ayuu Yiri Torres.

“Ugu danbeyn, waxaan go’aansaday inaan baxo sababtoo waxa ay aheyd talaabo ka mid ah mustaqbalkeyga ciyaareed. Ma aheyn sida ugu fiican ee koox looga tago laakiin sida ay wax u sheegeen ma ahan. Maalin uun dadka waa ogaan doonaan runta.”