Yaa la jiiday, yaa wax jiiday Isree-reebka koobka aduunka ee 2014 ku madlan dalka Brazil.

Group A:

Croatia ayaa 2-0 ku dubatay xulka tabarta daran ee Wales, waxaana ciyaartan si aad ah uga dhex muuqday gool ma gefe Mario Mandzukic oo xulkiisa hugaanka u dhiibay daqiiqadii 27aad, halka uu hurdo u diray xulka martida ahaa weeraryahankii hore ee Arsenal Eduardo daqiiqadii 57aad.

Republic of Macedonia ayaa 1-0 ku quusisay xulka Serbia, waxaana goolka guusha daqiiqadii 59’ rigoore ugu dhaliyey A. Ibraimi.

Belgium ayaa 2-0 ku maquuniyey Scotland waxaana goolasha u kala dhaliyey C. Benteke 69’iyo Vicente  Kompany soo soo afmeeray daqiiqadii 71aad.

Group B:

Czech Republic iyo Bulgaria ayaa ku kala baxay barbaro goolal la’aan ah.

Italy ayaa 3-1 carigooda kaga talaabsaday xulka Denmark, inta badan waxaa laba gool Talyaaniga u dhaliyey xidigahooda qadka dhexe, 33’ Ricardo Montolivo 37’ Daniele De Rossi, waxaase gool usoo celiyey xulka martida ahaa W. Kvist daqiiqadii 45aad, sidaas ayaana lagu kala qaxwo doontay.

Afar daqiiqo ayey socotay qeybta labaad markii uu Mario Balotelli hurdo u diray xulka Scandinavians.

Group C:

Republic of Ireland ayaa guul darro 4-1 ah dhulkooda dhabarka ugu saaray xulka Faroe Islands, iyadoo xulka martida loo ahaa uu muujinaayey tabar darradiisa. waxaana ciyaarta qeybtii hore lagu kala nastay gool la’aan.

Qeybtii dambe  ayaa wax badan ciyaarta iska bedeleen iyadoo dalka martida loo ahaa goolal badan laga dhaliyey waxaana daqiiqadii 46’ goolka hore kaga naxsaday M. Wilson.

J. Walters ayaana u saaray todobo daqiiqo ka dib, iyadoo uu gool Faroe Islands, usoo celiyey A. Hansen, hase yeeshee waxaa hurdo u diray P.J. Justinussen (oo shabaqiisa gool ku leexiyey) halka uu 88’ daqiiqo gool kale ka dhaliyey D. O´Dea.

Austria ayaa 4-0 ku garaacday Kazakhstan 24′ M. Janko 56’ M. Janko 71’ D. Alaba 90′ M. Harnik, ayaana guusha u sahlay xulka martida loo ahaa.

Ciyaartii ugu yaabka badneyd caawa waxay dhex martay Germany iyo Sweden waxaana labada ay iska dhaliyeen wadar ahaan sideed gool taasoo ciyaarta xiiseheeda kor u qaaday.

Klose ayaa laba gool kaga naxsaday xulka martida ahaa daqiiqadihii 8’ 15’, waxaana Jarmalka hugaanka u dheereeyey Mertesacker dadiiqadii 39’ sidaas ayaana lagu kala nastay waxaa markaan ciyaarta 3-0 ku hugaaminaya xulka Germany oo lagu ciyaarayo carigiisa.

Markii la isku soo laabtay ayaa wacdaro lagu dhigay xulka Germany xitta iyaga ayaa ciyaarta gaarsiiyey 4-0 markii uu gool u dhaliyey Mezut Özil daqiiqadii 56’ wax kaste ayaase is bedelay markii ay dib u soo gudeen afartii gool 62′ Ibrahimovic 64′

Lustig 76′ Elmander 90′ daqiiqo ayaa waxaana goolka barbaraha Sweden u dhaliyey Elm.

Klose ayaa hal gool u jira inuu jebiyo Rikoorka gool dhalinta u yaal xulka Jarmalka kaasoo uu haatan haayo Gerrard Muller, xidiga kooxda Lazio ayaana qarka u saaran inuu sidoo kale galo taariikhda kubada cagta.

Group D:

Estonia ayaa 1-0 isaga reebtay dhigeeda Andorra oo ay marti u aheyd waxaana goolka keliya daqiiqadii 57’ u dhaliyey xidigooda A. Oper.

Holland ayaa 4-1 ku garaacday Romania oo ay marti u aheyd 9′ daqiiqo waxaa hugaanka u dhiibay J. Lens, halka 29′ daqiiqo uu u labeeyey B.M. Indi, waxaase xulka loo martida ahaa 41’ daqiiqo gool usoo celiyey C. Marica, hase yeeshee 44′ daqiiqo ayaa waxaa gool ku laad ka dhaliyey R.v.d. Vaart, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Qeybtii labaad ma aysan dhicin inay Andorra goolala iska soo gudaan waxaana seexiyey R.v. Persie oo soo afjaray goolasha Dutch iyadoo ay ciyaarta ka dhiman tahay afar daqiiqo.

Hungary ayaa 3-1 ku dubatay xulkaTurkey  oo marti u ahaa waxaana hugaanka dhiibay xulka martida ahaa 22′ daqiiqo M. Erdinc, halka uu 31’daqiiqo Turkey u bareejeeyey A. Szalai, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Qeybtii labaad iyadoo ay socoto shan daqiiqo ayaa waxaa hugaanka u dhiibay Hungry isla xidigii dhaliyey goolkii bareejada A. Szalai Z. Gera ayaana goolku laad kusoo affray ciyaarta laba daqiiqo ka dib.

Group E:

Norway ayaa 3-1 ku cabtay jasiirada Cyprus, oo goolkaba iyagu ku hormaray iyadoo ay qeybta hore dhamaad kusii siqeyso ayaa E. Aloneftis 42’ daqiiqo uu gool u dhaliyey, waxaase isla dhamaadka qeybta hore ka bareejeeyey B. Hangeland, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Daqiiqadii 81’ ayaa waxaa hugaanka Norwegian u dhiibay  T. Elyounoussi oo gool ku laad loo dhigay shabaqa cuskiyey, waxaana hurdo u diray J. King laba daqiiqo ka dib.

Switzerland ayaa 2-0 isaga reebtay Iceland waxayna goolasha ka heshay 66′ Barnetta 79′ Gavranovic.

Albania ayaa 1-0 ku quusisay Slovenia goolka keliya waxaa daqiiqadii 36’ u dhaliyey Roshi.

Group F:

Russia ayaa 1-0 ku garaacay xulka Azerbaijan, ciyaar inta badan la isku daalay ayaan dhex martay labada xul iyadoo calaamadaha hurdiga ay inta badan ciyaartaan caado ka noqdeen, waxaana Ruushka goolka guusha daqiiqadii 84’ u dhaliyey R. Shirokov.

Israel  ayaa 3-0 ku garaacday xulka Luxembourg, waxaana ciyaarta oo aheyd mid aad u adag ka dhex muuqaday T. Hemed oo laba gool u dhaliyey Yahuuda daqiiqadihii 36′ iyo 55’ halka uu goolka kale daqiiqadii 48’ shabaqa ku hubsaday E.B. Vasat.

Portugal ayaa  1-1 la dhaafi waayey xulka tabarta daran ee Northern Ireland, iyaga ayaana halis u galay inay dhibcaha la qeybsan waayaan xulka martida ahaa oo goolka looga hormaray daqiiqadii 30′  waxaana ka dhaliyey McGinn,sidaas ayaana lagu kala nastay.

Toban daqiiqo iyadoo ay ciyaarta ka harsan tahay ayaa waxaa Portugal u barbareeyey Hugo  Postiga, Ciristiano Ronaldo ayaana kulankiisii boqolaad ee xulkiisa uu u safto ugu dabaal degay isagoo aan shabaqa soo taaban.

Group G:

Latvia ayaa 2-0 isaga reebtay xulka Liechtenstein iyadoo ay goolashu kala dhasheen labada qeyb ee ciyaarta, waxaana xulka martida ahaa daqiiqadii 29’ gooka kaga naxsaday N. Bulvitis, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ayaa waxaa daqiiqadii 77’ hurdo u diray Liechtenstein, E. Gauracs oo kal dhaliyey gool qurxoon.

Bosnia-Herzegovina waxay 3-0 ku cabtay Lithuania 28′ Ibisevic 35′ Eden Dzeko 41′ Pjanic ayaana guusha si fudud ugu gacan geliyey xulka martida loo ahaa.

Greece ayaa guul darro 1-0 ah laqsiiyey Slovakia waxayna goolka uga mahad celinayaan xulkii 2004tii ku guuleystay koobka qaranada Yurub, Salpingidis oo u dhaliyey daqiiqadii 63aad.

Group H:

Montenegro ayaa 1-0 ku maquunisay Ukraine oo ay marti u ahaayeen waxaana goolka daqiiqadii 45′ u dhaliyey Kucher Jovetic ayaana gool ku laad ka qasaariyey xulkiisa.

Moldova ayaa 2-0 ku raquustay San Marino 73′ Dadu 78′ Epureanu ayaana looga mahad celinayaa guushaan.

Ciyaartii dhex mari laheyd xulalka Poland iyo England ayaa la baajiyey ka dib markii uu garoonku ku dhiiqoobay roob lixaad leh.

Group I:

Belarus ayaa 2-0 ku cabtay xulka Georgia ciyaar ka dhacda gurigeeda, waxaana ay goolasha qeybtii hore ee ciyaarta ka kala heleen 6’ R. Bressan 28’ S. Dragun.

Spain ayaa 1-1 la dhaafi weysay France, iyadoo xulka koobka difaacanayaahi uu u mahad celinaayo Sergio Ramos oo hugaanka u dhiibay daqiiqadii 25aad,Cesc Fabregas ayaana rigoore ka qasaraaiyey xulkiisa daqiiqadii 42aad. Sidaas ayaana lagu kala nastay

Ciyaarta oo sii idlaaneysa daqiiqadii 90aad ayaa waxaa Faransiiska neef kasoo fujiyey Olivier Giroud oo madax ku dhaliyey kubad uu ka helay Frank Ribiery.