FESOJ oo baaq u dirtay hay’adaha amniga ee Dhuusomareeb oo ay ka cabanayaan wariyeyasha

Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa magaalada Dhusomareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa uu ku qabtay dood cilmiyeed la xiriirta sidii ay wariyayaasha u heli lahaayeen Badqab iyo dhowritaan ka hor doorashada Galmudug ee dhawaan lagu wado in ay qabsoonto.

Doodda ayaa lagu jeex jeexay sida uu is-faham dhinacyada oo dhan u dhexmari karo waa suxufiyiinta iyo hey’adaha amniga kaas u ogolaanaya ama u fududeynaya in qof walba uu qabsado shaqada uu u xilsaaran yahay islamarkaana dhinacba dhinaca uusan ku noqon caqabad inta ay doorashadu socoto.

Doodda waxaa ka qeyb galay wariyayaal mug leh oo ka shaqeeya Magaaladda Dhusomareeb iyo deegaanada kale ee Galmudug, Gudoomiyaha Dhusomareeb ahna Duqa magaalada Macallin Nuur Cilmi Cabdulle, Wasiirka Dastuurka Galmudug Abshir Cabdi Shiikoow , Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha Galmudug Maxamed Nuur Diini, Taliya Saldhigga Boliiska Dhusomareeb Gashaanle Cabdullahi Xasan Cali, Mahad Khaliif Rooble iyo Faarax Warsame Jaamac (Garas) oo iyaguna ah Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Somaliyeed.

Dhamaan Masuuliyiinta kasoo qeyb galay kulanka ayaa xusay in ay jiraan caqabado heysta Saxaafadda Somaliya ayna diyaar u yihiin in la shaqeyaan Suxufiyiinta Somaliyeed, waxa ay sidoo kale ugu baaqeen in wariyaasha ka dhowrsadaan wararka aan xaqiiqada aheen tabintooda taa oo ay ku dag dagaan qaar kamid ah wariyaasha.

Suxifiyiinta ayaa dhankooda fursad ay u heleen in ay su’aalo waydiiyaan Saraakiisha Doodda kasoo qeyb galay, waxaana su’alahaas oo shaqadda Saxaafadda la xariiray dhamaana muhiim ahaa toos uga jawaabay Saraakiisha Amniga.

Ugu danbeyn waxa dhinacyadda kawada qeyb galay Doodda ay isla fahmeen in lawada shaqeeyo, iyada oo wax walba laga eegayo Xeerarka dhinac walba uu ku shaqeeyo.

Xoghayaha Isutaga Suxufiinta Soomaaliyeed ee FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa ugu baaqay laamaha amniga ineysan wariyeyasha ka hor istaagan shaqadooda, islamarkana laga daayo kala xulashada warbaahinada oo mararka qaar xogta ama warka la siiyo hal xarun warbaahineed isagoo ugu baaqay in si siman loogu fududeeyo xogaha ay doonayaan gaar ahaan arrimaha dib u dhsika Galmudug iyo doorashada madaxtnimo ee la filayo in dhawaan la qabto.

Doodda ayaa waxaa soo xiray Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliyeed (FESOJ) Abdifatah Hassan Farah.