Biixi oo madaxootyada kula kulmay gudoonka labada aqal iyo komishankii hore

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan xafiiskiisa kula qaatay guddidii hore ee komishanka doorashooyinka qaranka oo muddo-xileedkoodu dhammaanayo 29-11-2019-ka, iyo weliba guddoomiyeyaasha goleyaasha guurtida iyo Wakiillada Somaliland.

Kulankaasi oo uu Madaxweyne Biixi ku wehlinayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici), ayaa waxa uu ahaa is-xogwareysi la xidhiidha howlaha qaranka Somaliland, sida lagu sheegay War ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, wuxuuna u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan xafiiskiisa kula qaatay guddidii hore ee komishanka doorashooyinka qaranka oo muddo-xileedkoodu dhammaanayo 29-11-2019-ka.

Waxana madaxweynaha kulanka ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici) iyo guddoomiyeyaasha goleyaasha guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Baashe Maxamed Faarax.

Kulankan dhex maray Madaxweynaha iyo shir-guddoonka goleyaasha guurtida & wakiillada iyo xubnaha Komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ayey ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi la xidhiidha sidii xilkasnimada iyo hufnaanta lahayd ee ay u guteen waajibaadkii qaran ee saarnaa, una qabteen diiwaangelintii cod-bixiyayaasha iyo doorashadii madaxtooyada.

Xubnaha Komishankii hore ee Doorashooyinka qaranka, ayaa madaxweynaha iyo shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada uga mahadceliyey kulanka ay la qaateen, waxana ay tilmaameen in shaqadii ay soo qabteen ahayd masuuliyaddii loo igmaday iyo waajibaad qaran oo ay u guteen si Dastuuri ah”.

Kulankaaasi dhexmaray Madaxweynaha iyo shir-guddoonka goleyaasha guurtida & wakiillada iyo xubnaha Komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ayey ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi la xidhiidha sidii xilkasnimada iyo hufnaanta lahayd ee ay u guteen waajibaadkii qaran ee saarnaa, una qabteen diiwaangelintii cod-bixiyayaasha iyo doorashadii madaxtooyada.

Xubnaha Komishankii hore ee Doorashooyinka qaranka, ayaa madaxweynaha iyo shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada uga mahadceliyey kulanka ay la qaateen, waxana ay tilmaameen in shaqadii ay soo qabteen ahayd masuuliyaddii loo igmaday iyo waajibaad qaran oo ay u guteen si Dastuuri ah”.