Beesha caalamka oo ka hor-tiimid muddo kororsiga golayaasha Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) Xubnaha beesha caalamka ayaa walaac ka muujiyey xaaladda Somaliland, gaar ahaan dib u dhac ku yimaada doorashooyinka golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka ee maamulkaasi.

War ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay inay is gaar ah uga walaacsan tahay mudda kordhinta loo sameeyey labada gole.

“Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay go’aanka Guurtida ee muddo kordhinta loogu sameeyay labada gole.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxay beesha caalamku intaasi ku dartay ”Waxaan ka walaacsanahay dib u dhaca doorashooyinka iyo dhacdooyinkii ka dhacay Somaliland in ay si weyn u wiiqeen sumcadda dimoqraadiyadeed ee Somaliland iyo heerka caalamiga ah. Sidoo kale, waxaan si aad ah uga walaacsanahay xariga u muuqda mid aan sharciga ku dhisneyn iyo xayiraadaha kordhaya ee xorriyadda hadalka.”

Dhinaca kale warbixinta ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la ixtiraamo heshiiskii xisbiyada iyo xukuumadda ee bishii Luulyo 2019-ka, si loo qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca maamulka Somaliland.

Waxa kaloo beesha caalamku sheegtay inay walaacsan tahay caburinta lagu hayo siyaasiyiinta iyo wariyeyaasha ka howlaga deegaanada maamulkaasi.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday xukuumadda iyo xisbiyada siyaasadeed inay ka shaqeeyaan degenaashaha iyo xaqiijinta doorashooyinka guud ee Somaliland.