DF oo war ka soo saartay askartii Faransiiska ee ku dhintay dalka Maali

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war ka soo saartay 13 askari oo dowladda Faransiiska uga geeriyootay gudaha dalka Maali.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad uga xun tahay shilkaasi.

Sidoo kale waxaa warkan lagu sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay tacsi u direyso dowladda iyo shacabka Faransiiska.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in wadamada Soomaaliya iyo faransiiska uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, iskaashi iyo wax wada qabs ah intaba.

13-ka askari ee ka tirsanaa ciidamada dowladda Faransiiska ayaa ku geeriyooday dalka Maali, kadib markii ay isku dhaceen 2 diyaaradood oo Helicopter ah, xilli ay ku guda jireen howlgal ka dhan ah kooxda jihaadiyiinta ee ka dagaalama waqooyiga dalkaasi.