Gudiga doorashooyinka BF oo soo gudbiyey sharciga doorashooyinka (Aqriso 3-da qodob ee ugu culus)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga sharciga doorashooyina ee baarlamanka Soomaaliya, oo dib u eegis ku sameynayey waxna ka beddelayey sharciga doorashooyinka ee ay golaha wasiirada Soomaaliya ansxiyeen 2-dii May 2019, ayaa shaqadooda soo geba gebeeyey.

Guddigan ayaa dhowr maalmood ka hor guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan u gudbiyey sharciga doorashooyinka oo ay ka beddeleen dhowr qodob, balse waxaa ugu weyn uguna muhiimsan saddex qodob.

Sida xubno ku dhow guddoomiye Mursal ay u sheegeen Caasimada Online, guddiga ayaa meesha ka saaray qodobkii 56-aad ee sharciga doorashooyinka ee ay ansixiyeen golaha wasiirada.

Qodobkan ayaa u ogolaanaya in madaxweynaha iyo baarlamanka ay muddo laba sano ah waqtiga kororsadaan, haddii dalka ay ka dhici weyso doorasho sababo jira awgood. Sababaha la xusay ee doorashada ay ku baaqan karto ayaa waxaa ka mid ah amni-darro baahsan, dillaaca cudurada la is-qaadsiiyo, abaaro, daadad, duufaanno iyo wax kasta oo lagu qeexi karo musiibo qaran.

Guddiga ayaa go’aamiyey in wax ka badan 6 bilood oo ah waqti kordhin farsamo aan la siin karin madaxweynaha iyo baarlamanka. Taasi waxay noqon kartaa haddii arrimo farsamo ay u saamixi waayaan guddiga doorashooyinka qaranka in doorashooyinka ay ku dhacaan waqtigooda.

Guddiga ayaa sidoo kale go’aamiyey in xildhibaanada cusub ee baarlamanka ay deegaanad ay kasoo jeedaan kasoo doortaan shacabka ayaga oo adeegsanaya nidaamka qof iyo cod ee doorashada deegaanada badan (Multi constituency), oo macnaheedu yahay in xildhibaan kasta laga soo dooranayo deegaan doorashadiisa iyo maamul goboleedkiisa.

Tani waxay meesha ka saartay rabitaankii Villa Somalia ee ahaa in dhammaan xildhibaanada laga sooo doorto hal deegaan doroasho (Single constituency), taasi oo u saamixi lahayd inay dad taageersaan meel isugu keento, oo ay u codeeyaan dadka rabto kaliya.

Go’aanka ugu culus ee guddiga gaaray ayaa ah in madaxweynaha cusub ay soo doortaan xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka, sida uu dhigayo qodobka 89-aad ee dastuurka, farqadiisa koowaad oo leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Guddiga ayaa meesha ka saaray qodobkii ay rabtay Villa Somalia ee ahaa in madaxweynaha ay doortaan shacabka, balse aan shacabka oo dhan ahayn ee ahaa dad hal meel la isugu keeno oo la leeyahay waxay wada-matalayaan shacabka, taasi oo ogolaan lahayd in dad gaar ah oo lasoo xulay meel la isugu keeno, una codeeyaan qofkii isku keensaday.