Turkey: Fethullah Gulen oo amar lagu bixiyay in lasoo xiro kadib…

Muqdisho (Caasimada Online)-Amar kasoo baxay Maxkamada weyn ee magaalada Istanbul ayaa waxaa lagu amray in lagu soo xiro wadaadka ka danbeeyay Afganbigii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga Fethullah Gulen.

Maxkamadu waxa ay sheegtay inay jiraan cadeymo muujinaaya in Fethullah Gulen uu lahaa fakirka Afganbigii fashilmay islamarkaana loo baahan yahay in lasoo xiro.

Maxkamadu waxa ay sidoo kale, sheegtay in fulinta amarkaasi uu yahay mid khudeeya Talisyada ay khuseyso amniga dalka.

Dowladdu waxa ay sheegtay in Gulen uu ahaa mid saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne Erdogan, balse markii danbe uu noqday mid garabsiiya waxa ay ugu yeertay falaagada dhiirigalisa amni darrida.

Mr Gulen ayaa isna horay u beeniyey inuu ku lug lahaa afgambiga ama uu ka warhayey inta uusan dhicin ka hor 15-kii July ee sanadkan.

Geesta kale, Madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan ayaa goor sii horreysay oo maanta ah sheegay in dowladdiisa ay “ka go’an tahay in jarto dhammaan xiriirada ganacsi ee kooxdan oo gacmaha dhiig kula jirta”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com