Xasan Sheekh oo laba ujeedo u gaaray magaalada Addis-Ababa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow u amba baxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka ethiopia.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkaasi ku wehlinaaya mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole ee dowlada kuwaasi oo halkaasi uga qeybgali doona shir looga hadlayo xaaladaha dalalka Somalia iyo Sudan.

Shirka ayaa waxaa qeyb ka noqon doona madax ka socota dalalka Africa, iyadoo shirka diirada lagu saari doono xaalada guud ee Somalia iyo colaadaha ka aloolsan Koonfurta Sudan.

Shirkaasi ayaa waxaa khudbad ka jeedin doona Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda kale ee ka socda dalalka Africa.

Madaxweynaha Somalia ayaa marka uu shirkan soo gaba gaboobo waxa uu ujeedkiisa labaad yahay in si gaar ah uu ula kulmo madaxda ethiopia iyo Xubno kale oo ka tirsan deeq bixiyayaasha caalamka.

Madaxweynaha ayaa kulamada gaarka ah ku xalisan doona amuurihiisa gaarka ah ee la xiriira musharaxnimadiisa, waxaana la filayaa in halkaasi lagu gudoonsiin doono dhaqaale isaga u gaar ah oo lagu balamiyay.

Dhanka kale, intaa kadib Madaxweynaha ayaa kusoo laaban doona magaalada Muqdisho, oo ay ka soconeyso diyaar garowga doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com