Xasan oo fursad ku raadinaya 3 Siyaasi oo uu u dhaarsan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu dareen gaar ah ka muujinaayo talaabooyinka lagu carqaladeynaayo siyaasadiisa oo ay hormuudka u yihiin Seddex Siyaasi oo si ba’an kaga soo horjeeda Siyaasadiisa.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xassan uu diyaarinaayo qorshooyin uu ku aamusiinaayo Seddexdaasi Siyaasi oo kala ah:

1- Maxamuud Axmed Nuur Tarsan

2- Axmed Macallin Fiqi

3- Salaad Cali Jeelle

Madaxweyne Xassan ayaa caqabad Siyaasadeed u arka seddexdaasi mas’uul oo si ba’an kaga soo horjeeda iyaga oo warbaahinta u mariya dhaliilo kala duwan islamarkaana ku ifiya kuwa Xassan ka mashquulsan.

Xiliyada ay seddexdaasi mas’uul la hadlayaan saxaafada ayaa waxa ay sheegen in Xassan Sheekh uu ku fashilmay siyaasada Somalia, isla markaana caado iyo dhaqan ay dowladiisa ka dhigatay musuq-maasuq iyo caadeysiga eex.

Sidoo kale, mas’uuliyiintaani ayaa maalin ka hor saxaafada ka sheegay in Xassan Sheekh ay ugu baaqayaan in Villa Somalia uu baneeyo isla markaana uu soo wareejiyo hantida guud, ilaalada, gawaarida, mansib sharafeedka iyo wax walba uu umadda u hayo September 10, 2016-ka.

Madaxweyne Xassan ayaa goor sii horeysay Odayaasha Hawiye ku dacweeyay Seddexdaasi mas’uul isaga oo ka cabanaayay in caqabad ay ku yihiin Siyaasadiisa gaarka ah.

Odayaasha Hawiye ayaan ka jawaabin dacwada Xassan Sheekh, inkastoo ay u ballanqaaden inay la hadli doonaan hadana ma jirin wax talaabo ah oo ay qaaden odayaasha.

Docda kale,qorshaha uu Xassan Sheekh la damacsan yahay ayaa noqonkara mishino isugu jira weerar iyo xarig isaga oo u cuskanaaya ka hor imaanshiyaha Siyaasadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com