Xog: Xasan Sheekh iyo Gaas oo isku haya xuquuqda Khaatumo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa meel adag leysla soo gaaray shirka Madasha Qaran ee magaalada Muqdisho uga socda Madaxda DF iyo kuwa maamul Goboleedyada xubnaha ka ah Madasha kaasi oo lagu go’aamin doono xiliga doorashada dalka.

Madaxda dalka iyo kuwa Gobollada ayaa isla fahmay dhowr qodob waxaana sidoo kale ay caqabad ka taagan tahay qodobo kale oo aan xal laga gaarin ilaa iyo iminka kuwaasi oo wali horyaal dhinacyada uu shirka u socdo.

Qodobada leysku hayo oo aan inta lagu soo koobi karin ayaa waxaa kamid ah goobta lagu soo xuli lahaa xildhibaanada labada aqal ee loo qoondeeyay Khaatumo.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay inaanu jirin wax la yiraahdo Khaatumo, sidaa aawgeedka dadka deegaanadaasi degan ay maamul ahaan hoostagaan Puntland isla markaana xulista qoondadooda ay ka dhici doonto magaalada Garoowe.

Gaas waxa uu sheegay in Puntland ay agaasimi doonto xulista xubnaha loogu tallo galay Beelaha dega dhulka Khaatumo.

Madaxweynaha dalka ayaa is hortaagay qorshahaasi waxa uuna sheegay in odayaasha beelaha degan dhulka Khaatumo ay dalbadeen in xulista qoondadooda ay ka dhacdo magaalada Muqdisho, sidaa darteedna ay dowlada Somalia go’aansatay in xubnaha Beelaha Khaatumo lagu xulo muqdisho.

Madaxweyne Xassan ayaa isaga ka cabsi qaba in la musuq-maasuqo cadadka loo qoondeeyay Beelaha dega dhulka Khaatumo, waxa ayna taasi keentay in Xassan Sheekh uu ku dhabar adeego badbaadinta xubnaha Khaatumo.

Shirka oo wali socda ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobo dhowr ah oo xal u noqonkara doorashada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com