Hogaamiyihii BOKO HARAM oo soo duubay canjalad yaab leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo laba maalin un ka hor Hogaanka sare ee Kooxda Daacish ay xil ka qaadis ku sameeyen Hogaamiyihii Kooxda Boko Haram ee dalka Negeria, Abuu Bakar Shekau ayaa waxaa xil ka qaadistaasi fariin cod ah uga jawaabay Abuu Bakar.

Abuu Bakar waxa uu sheegay in Hogaanka sare ee Daacish ay marin habaabiyeen Jihaadka islamarkaana ay si la tashi la’aan ah xilka ugu soo magacaaben wadaadka lagu magacaabo Abuu Muscab Al-barnaawi.

Hogaamiyihii Kooxda Boko Haram Abuu Bakar Shekau oo codkiisa uu soconaayo ku dhawaad Toban daqiiqo, ayaa sheegay in weli uu yahay Hogaamiyaha saxda ah ee Kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Negeria.

Abuu Bakar Shekau, waxa uu tilmaamay in wadaadka ay magacawday Daacish ee lagu magacaabo Abuu Muscab Al-barnaawi uusan ka shaqeyn karin dalka Negeria isla markaana arrinta Boko Haram isaga wax laga weydiin doono.

Abuu Bakar waxa uu goor danbe qiray in Daacish ay qaabab khaldan u isticmaalen Jihaadka balse Boko Haram aysan aqbali doonin.
Abuu Bakar waxa uu codkiisa ku sheegay in Daacish ay si ganbasho la’aan ah u adeegsatay Shareecada Islaamka.

Sidoo kale, waxa uu carab dhabay in wadaadka lagu magacaabo Abuu Muscab Al-barnaawi ee lagu bedelay uu yahay mid diinta Islaamka ka baxay sidaa darteedna Kooxda Boko Haram uusan hogaanka u qabankarin nin diinta ka baxay, sida uu hadalka u dhigay.

Hanjabada iyo caga jugleynta Boko Haram waxa ay imaaneysaa kadib markii Hogaanka sare ee Kooxda Daacish ay xil ka qaadis ku sameeyen Hogaamiyaha Kooxdaasi Abuu Bakar Shekau islamarkaana xilkaasi u magacaabay Abuu Muscab Al-barnaawi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com